Sawiro: Soomaaliya oo ka mid noqotay guddiga fulinta Hay’adda ACSAD ee Jaamacadda Carabta

????????????????????????????????????

Shirkii Golaha Guud ee Xarunta Daraasaadka degaanada qalalan iyo dhulka Qarfaha ee raacsan Jaamacadda Carabta ayaa saaka ka furmay  hoolka shirarka ee Hotel Sofitel Qaahira dalka Masar,

Kulanka waxaa guddoominayay Wasiirka Beeraha & Xanaanada Xoolaha ee Masar Dr Cisaan Faayed iyo Agaasimaha Guud ee  Hay’adda “ACSAD” oo  Jaamacadda carabta u qaabilsan Cilmi baarista Deegaannada qallalan iyo Dhulka qarfaha Dr Rafiiq Saalix ,waxaa lagu soo bandhigay warbixinno iyo daraasaad ku saabsan shaqooyinka xarunta ee ka hortagga abaaraha,nabaad guurka iyo horumarinta daraasaadka ku saabsan daaqa,xoolaha iyo biyaha.

Soomaaliya Shirka waxa uga qaybgalay Wasiirka Xanaanada Xoolaha,Dhirta iyo Daaqa Mudane Siciid Xuseen Ciid iyo Wafdi la socday oo ay ka mid yihiin agaasimaha cilmibaarista iyo Barotolka Wasaaradda Dr.Mursal Xaaji Craxman iyo Eng.Maxamed Claahi Muumin madaxa Waaxda qorsheynta iyo tababarada Wasaaradda.

Shirka oo ahaa mid muhiim ah Soomaaliya waxay ku guuleysatay in loo doortay xubnaha  Guddiga Fulinta ee labada Sano ee socota,Waxaa kaloo go,aanadii lagu gaaray kamid ahaa in Xarunta ACSAD si dhakhso ah uga howlgasho Soomaaliya dhamaan mashaariicda xaruntaasi ee kala duwan khuseayana Xoolaha iyo Wax-soosaarka sida xoolaha,ka hortagga nabaad guurka horumarinta calafka xoolaha,horumarinta dhallanrogga iyo bacriminta xoolaha,ka faaiideysiga biyaha dhirta iyo daaqa.

Shirkaasi dib waxaa  loogu doortay agaasimihii Guud ee ACSAD Dr Rafiiq Saalix oo si kumeel gaar ah loo doortay  in markii sadexaad uu xilkaan qabto.

Ugu dambeyntii shirkaas waxaa goob joog ahaa wasiirrada Beeraha iyo Xanaanada Xoolaha ee dalalka Jaamcadda Carabta.

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

20160301_08582620160301_085921

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

About The Author