Sawiro: Qaar Kamida Darbiyada Isbitaalka Guud Ee Gobolka Mudug oo Dumay & Baaq loo diray ummadda Soomaaliyeed

3 Marso 2016 (Puntlandes) Qaar ka mida Darbiyada isbitaalka guud ee Gobolka Mudug ayaa Dumay waxaana Isbitaalka Guud ee Gobolka Mudug soo wajahday marxalad adag oo uu u baahan yahay in si deg deg ah wax looga qabto.

Isbitaalka guud ee gaalkacyo ayaa waxaa uu yahay isbiyaal u dhexeeya guud ahaan Soomaalida iyo dalalka dariska la ah Puntland waxaana hada bur bur soo wajahay Darbigii isbitaalka maamulkana ma awoodaan sababtoo ah dadka ay dawaynayaan kama qaadaan wax lacag ah.

Agaasimaha isbitaalka guud ee gobolka mudug Dr Maxamed xusen Aadan ayaa waxaa uu fariin u direy dowlada Puntland dhamaan shacabka soomaaliyeed madama si bilaasha loogu dabiibo inay ka qayb qaataan dhismaha darbigaas dumaya.

 

vlcsnap-2016-03-03-02h41m31s199vlcsnap-2016-03-03-02h52m14s56vlcsnap-2016-03-03-02h52m22s158vlcsnap-2016-03-03-02h52m30s247vlcsnap-2016-03-03-02h52m45s155

About The Author