DRS Idil oo wali si Sharci daro ah ugu Xiran Ururka Raaskambooniyiinta ee maamulka Jubaland

2 Marso 2016 (Puntlandes) Waxaa wali sifo Sharci daro ah ugu xiran Ururka Raaskambooniyiinta ee maamula maamulka Jubaland Drs Idil Cabdulqaadir Xaaji Xuseen oo ahayd gudoomiye ku xigeenkii guddiga qoray Dastuurka maamulka Jubbaland.

214-2b1

Xariga Drs Idil ayaan loo marin hab shirci ah iyadoo ay Ururka Raaskambooniyiintu Xabsi Sharci daro ah ku haystaan maalintii 5aad, kadib markii ay ka kaxaysteen gurigeeda.

Xariga Drs Idil ayaan ahayn mik u Cusub magaalada Kismaanyo iyadoo waqtiyadan dambe uu Ururka Raaskambooniyiintu bilaabay Olole balaaran oo lagu Ugaarsanayo dadka waxgaradka ah ee kasoo jeeda Beesha Harti ee Gobolka Jubada Hoose.

Ururka Raaskambooniyiinta ayaa waxay ku hayaan dadka kasoo jeeda Beesha Harti CABURIN, CAGO JUGLAYN, BARAKIN, BOOB, XARIG iyo MASAAFURIN, iyadoo ilaa iminka magaalada Kismaanyo laga Masaafuriyey labo Isin oo ay leeyihiin Beelaha Harti.

Qoraalka ku saabsan Xariga Drs Idil halkan ka akhriso

 

212-6f

Dhanka kale waxaa maanta XORIYADIISII dib u helay Caaqilka guud ee Beesha Harti C/llaahi Bile Siciid kadib 13 maalmood oo uu ugu xirnaa Ururka Raaskambooniyiinta xabsiga magaalada Kismaayo.

Aduunka daafihiisa ayaa Baaqyo loogu jeedinayaa Ururka Raaskambooniyiinta, kaasoo ah in Isimadii ay Ururka Raaskambooniyiintu Masaafuriyeen ay Guryahoodii ku soo noqdaan iyo in Waxgaradka/Aqoonyahanada ay Drs Idil ka mid tahayna ay Xoriyadoodii dib u helaan.

Puntlandes.com

About The Author