Daawo Barnaamij gaar ah: Afhayeenka Ismadda Puntland Garaad C/laahi oo dhaleeceeyay wakiilka UN, kana hadlay Ugaarsiga JL ka socda

5 Marso 2016 (Puntlandes) TV ga SomaliChannel ayaa Barnaamij gaar ah ku waraysi aad u xiiso badan xasaasina ah la yeeshay Afhayeenka Ismadda Puntland Garaad Cabdullaahi Cali Ciid, isagoo Gaardku aad u dhaleeceeyay Wakiilka Xoghayaha Guud ee UN-ka Michael Keating .

208-3

Garaadka ayaa Xoghayaha Guud ee UN-ka ka codsaday inuu Soomaaliya ka bedeloMichael Keating, maadaama uu dhumiyey dhexdhexaadnimadii uusana kaba sii shaqayn karin Soomaaliya.

215-1c

Afhayeenka Ismadda Puntland Garaad Cabdullaahi ayaa sheegay in Puntland dawlad iyo Shacaba ay diiday Habka Qabaliga ah ee 4.5, isagoo iswaydiiyey meesha ay Puntland ka aadi doonto iyo Puntland ha ka tashato Muqdisho iyo murankeeda aan dhamaadka ahayn.

Afhayeenka Ismadda Puntland Garaad Cabdullaahi ayaa waxa kale oo uu ka hadlay Ugaarsiga Jubaland ka socda ee maamulka Raaskambooniyiintu ku ugaarsanayo dadka kasoo jeeda Beesha Harti,, isagoo sheegay in ay la hadleen  maamulka Axmed Madoobe kana dalbadeen in la sii daayo dadka xiran laga noqdo kuwa la masaafuriyey.

 Puntlandes.com

About The Author