Sawiro: Gudoomiyaha guud ee Dalada qurbajoogta Puntland ee Yurub(Pedan) oo Ka qeybgalay Xaflad lagu Caleemo saarayey Gudomiyaha Jaliyada Puntland ee Italy

Gudoomiyaha guud ee Dalada qurbajoogta Puntland ee Yurub(Pedan) Maxamed Cabdulle Qoordheer oo Ka qeybgalay Xaflad lagu Caleemo saarayey Gudoomiyaha Jaaliyada Puntland ee Italy.

Xaflad si aad ah loo soo agaasimay oo ay soo qabanqaabiyeen jaaliyadaha Puntland ee ku dhaqan Wadana Italy Xaflada ayaa lagu qabtay magaalada Firenze-Italy.

Munaasabada xaflada ayaa waxay ahayd Caleemo saarka Gudoomiyaha Jaaliyadda Puntlanad ee Wadanka Italy Mudane Cawaale Jaamac Salaad iyo ku Gudoomiye ku xigeenkiisa Cumar Munaasabada ayaan waxaa kasoo Qeybgalay Gudoomiyaha guud ee Dalada qurbajoogta Puntland ee Yurub(Pedan) Maxamed Cabdulle Qoordheer, labo xubnood oo ka socda Puntland Diaspora Forum Denmar ee Copanhegan, Jaaliyada Reer Hiiraan ee wadanka Talyaaniga ,Fanaanada weyn Laki Xaaji Wacays iyo Masuuliyiin ka socda wadanka talyaaniga.

Munaasabada ayaa waxa hadalo ka soo jeediyay marti sharaf kala duwan oo ka soo qayb gashay sida aqoonyahano, haween iyo dhalinyaro waxayna dhamaantood hanbalyo usoo jeediyeen gudoomiyaha munaaasabada lagu caleema saaray.waxaana madasha ka hadlay Ugu horayn Munaasabada Caleema saarka shirkana furay Gudoomiyaha Guud ee Dalada Qurbajoogta Puntland ee Qaarada Yurub(Pedan) mudane Maxamed Cabdulle Qoordheer wuxuu yiri Wadamadan yurub nina kaligii ma ilaashan karo diintiisa,dhaqankiisa,afkiisa,soomaalinimadiisa haduuna lahayn jaaliyad adag oo isku xiran oo cilmiyaysan waxaa cad in waalidiinta maanta aysan jirayn ee booska ay banaynayaan,caruurtoodiina ay la noolyihiin umad ka diin ah,la af ahayn,la dhaqan ahayn markaa waxaa iswaydiin leh sidee ubad baadayaan diin ahaan iyo dhaqan ahaan? tan waxaa xalin kara isku tiirsanaan joogta ah kulamo iska warqab iyo caruurta oo la bara diinta iyo afka soomaaliga ah dhexdooda laysku xiro markaa waa lajirayaa waligeed.waxaa itaa dheer in laysku gubaabiyo in dalkii lagu celiyo caruurta dalxiis ahaan la soobaro dalkooda iyo dadkooda puntland waa nabad dawlad baana kajirta. Gudoomiyaha ayaa sidoo kale ka hadlay ahmiyada ay leedahay Midnimada iyo isogolaanshaha wuxuu yiri waa in wadamada aad joogtaan wax ka qabsataan dadkiina aad wax u qabataan,wadamadan gacana wax baan kula qabsanaynaa,gacana dhaqankii iyo diintii baan ku ilaashanaynaa.

Gudmoomiyaha Jaaliyada Puntland ee Italy Mudane Cawaale Jaamac Salaad ayaa goobta ka hadlay wuxuuna yiri sadatan Waxaan umahad celinayaa qaban-qaabiyayaasha munaasabaddaan qiimaaha badan, sidoo kale waxaan umahad celin dhamaan martisharaftii kasoo qeybgashay munaasabadan Gudoomiyiha Jaaliyada Puntland ee Italy Mudane Cawaale Jaamac Salaad ayaa soo gudbiyay warbixin waafi ah oo kusaabsan waxqabadkii jaaliyadda Puntland mudadii u hayey isagoo soobandhigay warxintii ooy lasocdaan muuqaalo ay kumuujinayaan waxqabadkoodii taasoo ahayd mid ay dadku aad oogu bogeen qaabkii loosoo agaasimay loona soo bandhigay oo ahaa mid casri ah,Sidoo kale Mudane Cawaale ayaa soo bandhigay Taariikhda Puntland iyo waxyaabaha ay hodanka ku tahay lagana faa’iideysan karo isagoo dadka ku guubaabiyey iney maalgashtaan Gudoomiyaha ayaa sidoo kale booriyey isku xirnaan iyo midnimo muujino kadibna aynu usoo jeensano sidii aynu wax ugu qaban lahayn dalkeenii hooyo gaar ahaan bulshadeena aynu gacan ka siino horumarka waxbarashada iyo caafimaadka.

Sikastaba, Munaasabada ayaa ku soo xirantay jawi wanaagsan iyo wadaninimo waxana halkaas lagu soo bandhigay hidaha iyo dhaqanka soomaliyeed sida heeso iyo ciyaaro, Waxaana wacdaro ka dhigtay Fanaanada weyn Laki Xaaji Wacays oo heeso iyo dhaanta soo bandhigtay .
waxana lagu balamay in la isugu yimaado kulamo danbe oo wada tashi iyo xog kala qaadasho ah.

Dallada Qurb-joogta Puntland

About The Author