Xasan Garabeey oo ka Tacsiyeeyey Geerida Marxuum Maxamed Abshir Walde

INNAA LIL LAAHI WAA INNAA ILEYHI RAAJICUUN

154a

Xasan Yuusuf Dhuux (Xasan Garabeey) oo ka mida Aqoonyahanada iyo Waxgaradka reer Puntland kana mida Jaaliyadda reer Puntland ee dalka Australia ayaa ka Tacsiyeeyey Geerida Marxuum Maxamed Abshir Walde.

Xasan Garabeey waxa uu Tacsi u dirayaa dhamaan ummadda Soomaaliyeed, isagoo si gaar ahna Tacsi ugu diraya Xaaskii Marxuumka, caruurtiisii, Qayskiisii iyo Qaraanadiisa dhamaan meelkasta oo ay dunida joogaan.

Xasan Garabeey oo ay aad saaxiibo u ahaayeen Marxuum Maxamed Abshir Walde waxa uu Allah uga baryayaa inuu Marxuumka Janatul Fardawso geeyo, inagana uu Samir iyo Iimaan naga siiyo Amiin, Amiin.

About The Author