Dhagayso: Prof Galayr “magaalada Galxamur la yiraahdo in Degmo laga dhigo, dareen waa jiraa..”

6 Marso 2016 (Puntlandes) Prof Cali Khaliif Galayr ayaa ka hadlay magacaabitaankii ay DDSI degmo u magacawday magaalada Galaxamur ee Dawlad Degaanka Soomaalida Itoobiya, taasoo uu ku tilmaamay mid ku abuurtay dadka Khaatumo Dareen iyagoo ka cabanaya magacaabitaankaas.

213-7a

Prof Galayr ayaa yiri “maalin dhawayd war soo baxay oo ah maamul in magaalo cusub oo Degmo laga dhigay, magaaladaas GALXAMUR la yiraahdo, maamulkaasi isagaa hawshiisa leh… Dareen waa jiraa ay dadka ilaa heer u muuqatay in magaalooyin ka waawayn ama ka mudnaan kara ay jiraan in arintaasi ay hadda noqoto xujana ma rabno”

Prof Galayr ayaa intaas kusii daray “waxaan jecenahay in dadkaas shacabka ah loo ogolaado, laguna dhiiri geliyo haday wax ka qabaan inay magaalo madaxda Gobolkaas Doollo, ama Werdheer ha noqoto ama Jigjiga ha noqoto dadkaasu inay tagaan haday Dacwad qabaanna ay u gudbiyaan Mas’uuliyiinta”

Prof Galayr ayaa waxaa hadalkiisu ka muuqday inuu aad uga Xumaa inay magaalada GALXAMUR ay noqotay Degmii 7aad ee Gobolka Doollo, kana mid noqotay Degmooyinka Dawlad Degaanka Soomaalida Itoobiya (DDSI)

Dhagayso Prof Galayr


Puntlandes.com

About The Author