Qarax ka dhacay garoonka diyaaradaha magaalada Beledweyn

7 Marso 2016 (Puntlandes) Qarax xoogan ayaa ka dhacay Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Beledweyn ee Gobolka Hiiraan.

Waxyaalaha Qarxa oo Boorso la sheegay inay  ku jireen ayaa qarxay, iasgoo uu qaraxu ka dhacay afaafka hore ee Garoonka Diyaaradaha,.

215-2a

Illaa afar ruux ayaa illaa iyo hada la xaqiijiyay inay ku dhaawacmeen qaraxa, waxaana ku jira Askari ka tirsan Ciidanka Jabuuti.

Bishii hore ayay aheyd markii qarax uu ka dhex dhacay gudaha diyaaradda Daallo, markii ay ka dhooftay garoonka diyaaradaha Muqdisho, waxaana qaraxaas ku dhintay ruux watay Laptop lagu soo qariyay waxyaabaha qarxa, iyadoo markii dambe mas’uuliyada qaraxaas ay sheegatay Al-Shabaab.

About The Author