DAAWO Sawirada Hubkii loo wadey Soomaaliya ee Doonta Saaraa ee la qabtey

7 Marso 2016 (Puntlandes) Doon ah nuuca kaluumeesiga oo Hub kala duwan oo aad u Culus usoo waday Soomaaliya ayaa lagu qabtay meel 300-KM ka baxsan Xeebaha dalka Cumaan, iyadoo uu qabtay markab dagaal oo laga leeyahay dalka Australia.

Taliyaha Hawlgalladda Isku-dhafka ee Australia, Admiral David Johnston, ayaa sheegay in ciidankooda Badda ku guuleeseen in ay qabtaan dooni nuuca kaluumeesiga ah oo hub sharci daro ah u sida Soomaaliya.

Waxa uu sheegay Taliyaha in baaris kadib ay doonidaasi ka heleen hub kala duwan ay kamid ahaayeen, 1989 qoryaha AK 47, 100 Gantaalladda laga tuuro Baasuukaha ama RBG, 49 qoryaha dabajeexa ah iyo Hoobiyayaal.

Kooxdii wadatay Doonta hubka sharci darada ah usoo waday Soomaaliya ayaa la sheegay in ay hubkaasi ku dhax qariyeen shabaagta kaluumeesiga, waxaana Soomaaliya qaab ganacsi loo keenaa hub sharci daro ah oo aysan Dowlada waxba kala socon .







 

About The Author