Sawirro:kusimaha Madaxweynaha ahan Madaxweyneku-xigeenka Dawladda Puntland xafiiskiisa ku qaabilay Wafti ka socdey DFS

Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland ahna kusimaha Madaxweynaha Eng.Cabdixakiim Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey ayaa maanta March 8, 2016 xafiiskiisa ku qaabilay wafti uu hoggaaminayey Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Soomaaliya Dr.Axmed Cali Daahir ayna ka mid ahaayeen  kuxigeenka xeer ilaaliyaha  Yaxye Maxamuud Siciid, Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliya Jeneraal Bashiir Maxamed Jaamac iyo saraakiil toban kor u dhaafaya oo ka socda xabsiyada magaalada Muqdisho.

kulanka ayaa waxaa dhinaca Puntland uga soo qayb galay Xeer ilaaliyaha guud ee Dawladda Puntland Maxamuud Xasan Aw-cismaan, Taliyaha Taliyaha Ciidanka Asluubta Puntland Jeneraal Cali-Nuuur iyo saraakiil ka socotey Asluubta iyo xeer ilaalinta.

Waftiga ayaa Puntland waxay u yimaadeen sidii ay khibrad iyo waayo-aragnimo uga kororsan lahaayeen jeelasha Puntland maadaama Puntland ay jirey muddo 17sanno ah isla markaasna ay leedahay jeelal casri ah oo ay gacanta ku hayaan saraakiil khibrad dheeraad ah u leh ilaalinta iyo dhaqan celinta maxaabiista.

Waftiga ayaa sidoo kale sheegay in ay doonayaan in Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Dawladda Puntland ay wada shaqayn dhow ka-yeeshaan dhinacyada Asluubta iyo garsoorka si dhagar qabayaasha meelkasta oo lagu qabto looga heli karo jeelal ama xabsiyo  diyaarsan oo dad aqoonteedii lihi ay gacanta ku hayaan.

Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland ahna kusimaha Madaxweyna Eng.Cabdixakiim Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey ayaa sheegay in Puntland ay ka-dhisan yihiin jeelal caalami ah oo qaybtood ay Puntland kaga horrayso waddamo badan oo caalamka ah uuna kamid yahay Jeelka weyn ee Caalamiga ah ee ku yaalla magaalada Garoowe ee Caasimadda Dawladda Puntland.

Kusimaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne ku-xigeenka Eng.Camey ayaa sidoo kale sheegay in Puntland ay diyaar u tahay dhismaha ciidamo qaran oo wata summadda qaranka soomaaliya oo waajibaadkooda ka gudankara dhammaan gobollada dalka Soomaaliya, kuwaas oo isugu jira Ciidanka Xoogga dalka, Ciidanka Asluubta dalka, Ciidanka Police-ka dalka iyo Ciidanka nabad sugidda dalka, si loosoo celiyo xasiloonidii iyo nabad-gelyadii dalka ka jiri-jirtey.

IMG_2156IMG_2163IMG_2170IMG_2172IMG_2173IMG_2179

About The Author