Ogeysiis Muhim ah oo ku saabsan nidaamka tayaynta iyo shaqaalaysiinta Dawladda Puntland

Waxa lala socodsiinayaa dhammaan tartamayaashii hore u soo codsaday “Madaxqaybeedka Shaqada iyo Shaqaalaha” (Human Resource Unit Heads)ee Wasaaradaha iyo Hay’ada qaybta ka ah Mashruuca tayaynta iyo shaqaalaysiinta Puntland uuna maalgalinayo Bangiga Adduunku, isla markaana nasiibka u yeeshay in ay u soo gudbaan wareegga labaad ee imtixaanka, in maalinta sabtida ah (12ka Maarsho 2016-ka) imtixaanka lagu qaadi doono qol-weynaha shirarka ee “Puntland Library” oo ka soo horjeeda Garoonka kubbadda cagta ee Mire Awaare-Garoowe.

197-2b

Wakhtiga waa 9:00 Subaxnimo.

Mahadsanidiin

Xafiiska xiriirka ee Guddiga iskudubaridka  iyo la socodka mashruuca.

Madaxtooyada Dowladda Puntland-Soomaaliya.

 

—DHAMMAAD–

About The Author