AKHRISO-Wareegtada & Qabiilkooda: Axmed Madoobe oo magacaabay maareeyeyaashii Dekada iyo Garoonka Kismaayo (Warbixin)

9 Marso 2016 (Puntlandes) Hogaamiyaha Ururka Raaskambooniyiinta isla markaasna ah Madaxweynaha maamulka Jubaland Axmed Madoobe ayaa maanta xilalkii ka qaaday maareeyeyaashii Dekada iyo Garoonka magaalada Kismaayo, isagoo magacaabay kuwa cusub.

214-9c

Axmed Madoobe ayaa xubnaha cusub ee uu magacaabay labada xil waxay yihiin kuwo loo keensaday oo uu wareegto oo kaliya kusoo saaray magacaabidooda sida ay Xog hoose ku heshay Warbaahinta Puntlandes.

213-1b

Mid ka mida ah labadan xil oo aadka muhiimka u ah ayaa waxaa u keensaday Axmed Madoobe Siyaasiyiinta kasoo jeeda Beesha Mareexaan ee ku shirsan magaalada Kismaayo, kaasoo ah Maareeyaha Dekedda Magaalada Kismaayo.

Kan kale oo isna ah xil aad u muhiimsan ayaa waxaa u keensaday Axmed Madoobe madaxweynha DFS Xasan Sheekh, kaasoo ah Maareeyaha Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Kismaayo.

  • Mareeyaha Cusub ee Dekedda Kismaayo Axmed Xaaji Aadan Guuleed ayaa ah BEESHA MAREEXAAN, waxaan u keensaday Axmed Madoobe Siyaasiyiinta Beeshaas ee ku shirsan Kismaayo
  • Mareeyaha Cusub ee Garoonka Diyaaradaha Kismaayo Cabdulaahi Aadan Maxamuud ayaa ah BEESHA Hawiye/Murale, waxaan u keensaday Axmed Madoobe madaxweynha DFS Xasan Sheekh.

Dhanka kale waxaa xusid mudan in Beeshii ku dhaqnayd magaalada Kismaayo ee Harti ay Ururka Raaskambooniyiinta ee Axmed Madoobe ay ku hayaan Masaafurin, Xarig, Cagajuglayn, Caburin, Boob hantiyeed iyo Barakicin.

214-2b1

Waxgaradka u xiran Raaskambooniyiinta waxa ka mida Drs Idil Cabdulqaadir Xaaji Xuseen oo xabsi ay u taxaabeen Raaskambooniyiinta 27kii bishii dhamaatay febraayo 2016ka, ilaa iyo iminkana sifo Sharci daro ah ugu xiran. Waxaa kaloo la xiray Nabadoono, halka magaalada Kismaayo laga Masaafuriyey laba Isin oo kasoo jeeda Beesha Harti.

214-6e

Waxaa iyana xusid mudan in Gen Darwiish oo kasoo jeeda Beesha Harti, ahaana Mindida ay Raaskambooniyiintu ku goynayeen Beesha Harti in hada waa ku baryey kadib markii Ururka Raaskambooniyiintu ay Xilkiisii Heshiis kula galeen Beesha Mareexaan.

Hoos ka akhriso labada wareegto ee uu ku magacaabay Axmed Madoobe nimanka loo keensaday.

214-4f

214-4ff

Puntlandes.com

About The Author