Sawirro:Madaxweyne ku-xgeenka Dawladda Puntland oo ugu baaqay hay’adaha in ay dar-dargeliyaan kaqayb qaadashada gurmadka Abaaraha

Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland ahna kusimaha Madaxweynaha Eng.Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey ahna  guddoomiyaha guddiga gurmadka abaaraha Puntland oo ay wehelinayaan xubnaha guddiga gurmadka  abaaraha ayaa maanta March 10, 2016 waxa uu xarunta Madaxtooyada Dawladda Puntland ee Garoowe kulan kula qaaday dhammaan hay’adaha ka hawl-gala Puntland.

Kulankan ayaa waxa uu daba socdey mid isaga la mid ah oo qabsoomay Feb 16,2016-ka laguna qabtay qasriga Madaxtooyada Dawladda Puntland ee Garoowe isla markaana lagu qorshaynayey qaababka kala duwan ee ay hay’aduhu uga qayb qaadan karaan gurmadka abaaraha ee afeeyey dadka iyo duunyada ku dhaqan qaybo kamid ah goballada Puntland.

Sidoo kale waxaa kulanka lagu gorfeeyey sidii loo sii dar-dar gelin lahaa gurmadka iyadoo diiradda la saari doono gobollada ay sida gaarka ah u saameeyeen abaaruhu kuwaasoo kala ah Bari, Karkaar, Sanaag, Haylaan, Sool iyo Nugaal oo dhammaantood ah dhulkii ay ku yarayeen roobabkii guga iyo dayrta ee ugu dambeeyey.

Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland ahna kusimaha Madaxweynaha Eng.Cabdixakiim Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey ayaa hay’adaha ka hawl-gala Puntland ugu baaqay in ay xoojiyaan caawimaadda dadka iyo duunyada ay abaaruhu wax-yeeleeyeen.

Madaxweyne ku-xigeenka ayaa sidoo kale sheegay in Dawladda Puntland ay gurmadka  shacabkeeda abaaruhu saameeyeen ay doorkeeda ka qaadatay isla markaana waxaa u sheegay in loo baahan yahay dhammaan dadweynaha reer Puntland meelkastoo ay joogaan in ay u istaagaan siday u badbaadin lahaayeen dadka iyo duunyada la daalaa dhacaya abaaraha.

Ugu dambayntii Egn.Cabdixakiim Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey kusimaha Madaxweynaha ayaa Eebbe uga baryey dadka iyo duunyadaba in uu raxmaadkiisa khayrka qaba uu siiyo kana saaro abaaraha jira.

IMG_2221IMG_2224IMG_2230

About The Author