Sawirro: Munaasabaddii soo dhoweynta Madaxweynaha ee Minneapolis ee Waddanka Maraykanka

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo safar shaqo ujooga Waddanka Maraykanka ayaa waxaa siweyn loogu soo dhoweeyey magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota ee woqooyiga Waddanka Maraykanka, halkaas oo ay ku dhaqantahay jaaliyadda ugu badan ee Soomaaliyeed ee ku nool dalka maraykanka.

Soodhoweynta Madaxweynaha ayaa noqotay abid soodhoweyntii ugu ballaarnayd ee  loo sameeyey masuul soomaaliyeedm waxaana kasoo qayb galay soo dhoweynta Madaxweynaha dad kor u dhaafaya ilaa 10,000(taban kun oo qof).

kudhowaad shan kun oo qof oo kale oo doonayey in ay kasoo qayb galaan munaasabadda soodhoweynta Madaxweyna ayaa waxaa qaadi waayey hoolashii loogu talo galay soodhoweynta Madaxweynaha, waxaanay isugu jireen  dadka soo dhoweeyey Madaxweynaha dhammaan Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ka jira waddanka Maraykanka oo ay  hormuud u ahayd Jaaliyadda Puntland.

Taageerada iyo farxadda ka muuqata dadweynaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan waddanka maraykan ayaa muujinays sida ay ummadda Soomaaliyeed uga soo horjeedan halbeegga awood qaybsiga qabiilka ee 4.5 kaas oo ay dawladda federaalka Soomaaliyeed markale go’aan ku qaadatay in dalka dib loogu celiyo halka Dawladda Puntland iyo shacabkeeduna ay si mideysan  uga soo horjeesteen go’aankaasi, maadaama uu yahay mid dib u dhac weyn ku keenaya qarranimada Soomaliya.

“Wallaahi haddii aan ogahay in wax dan ahi ugu jirto ummadda Soomaaliyeed nidaamka 4.5 aniga ayaa qaadan lahaa, laakiin waxaan ogahay in aan wax dan ahi ugu jirin guud ahaanba ummadda Soomaaliyee, sidoo kalena aanay ummadda soomaaliyeed doonayn in mar kale dalka dib loogu celiyo 4.5” sidaa waxaa yiri Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas Madaxweynaha Dawladda Puntland.

Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa sidoo kale ku dheeraaday horumarada la taaban karo ee ka taabba galay guud ahaanba Puntland oo ay ka mid yihiin horumarinta iyo dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha ee Puntland  iyo baahinta maamulka oo ay ugu horrayso dhismaha golayaasha Deegaanka ee Dawladda Puntland.

Sidoo kale Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa sheegay in Dawladdiisu ay hirgelinayso hannaanka xisbiyada badan dhowaana uu magcaabay guddigii doorashooyinka taasina ay ka dhigan tahay in Puntland ay ku tallaabsanayso hannaanka dimuqraadiyadda isla markaana uu qof waliba oo reer Puntland ahi uu codkiisa ku dooran doono cidda uu doonayo.

702766_1160234490660958_342757275_n1058390_1160234757327598_6935749_n1461908_1160234790660928_848351639_n12087460_1160234970660910_1000371824_n12248782_1160234907327583_1647953756_n12324885_1160234730660934_200278470_n12516403_1160234797327594_1058016831_n12825178_1160234857327588_2011000038_n12825446_1160233523994388_748202213_n12833403_1160234833994257_753727205_n12833415_1160234130660994_123473662_n12833417_1160234817327592_1221937652_n12834762_1160234313994309_222932892_n

 

About The Author