Dhagayso: Gudoomiyaha Degmada Galdogob oo ka hadlay hormarka ay Dowlada Puntland Gaarsiisay Degmadaas

13 Marso 2016 (Puntlandes) Gudoomiyaha Degmada Galbeedka Gobolka Mudug ee Galdogob Xasan Maxamed Faarax ayaa waxaa uu sheegey in ay dowlada Puntland hormar baaxad wayn gaarsiisay Degmada Galdogob.

214-6c

Gudoomiyaha ayaa waxana uu sheegey in Mashaariicda ay dawlada Puntland ka fulisay magaalada Galdogob ay kala yihiin sidan hoose:

  1. Dhismaha  Xarunta maamulka oo ka kooban 10 Xafiis iyo Qalabayntiisa la dhamaystiran.
  2. Dhamaystirka iyo qalabaynta Guriga Farsamada Haweenka oo qalabaysan dhamaan waxyaalihii farshaxanka waxaana lagu wareejinayaa furyaashiisa hooyooyinka degmaa Galdogob.
  3. Xarunta ciyaaraha ama Isboortiga ee Degmada oo loogu talagalay inay ku ciyaaran dhalinyarada magaalada iyo kuwa tuulooyinka hoos yimaada. Garoonka ayaa waxaa uu u qalabaysan yahay sidii garoomada casrigaa.

Degmada Galdogob ayaa ah Degmo aad u ballaaran oo dad badana ku nool yihiin, waxaana hoos yimaada dhul baaxad wayn iyo Tuulooyin u xuubsiibtay magaalooyin waawayn. Waxaana ka xusi karnaa TUULADA BURSAALAX oo iminka ah magaalo shacan fara badan ku nool yihiin kuna tilaabsatay Horumar baaxad wayn oo aysan jirin meel gaartay Soomaaliya ama Puntland inteeda kale.

Bursaalax waxay Horumar ka gaartay dhanka Waxbarashada, Caafimaadka, Biyaha iwm, waxaana u sabab ah Horumarkaas Mashruuca Horumarinta Bursaalax oo ka shaqeeya Horumarinta magaaladaas iyo dadkeeda.

Dhagayso Radio Gaalkacyo oo waraystay Gudoomiyaha


Puntlandes.com

About The Author