Sawiro: Madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo ka qayb galay Munaasabad lagu taageerayo Madaxweynaha Jabuuti

Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland ahna kusimaha Madaxweynaha Eng.Cabdixakiim Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey ayaa maanta 13 March, 2016 waxaa uu ka qayb galay munaasabad lagu taageerayey Madaxweynaha Dawladda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo xilka Madaxtinimada  dalkaasi u tartami doona markii afraad.

Munaasabadda oo lagu qabtay Wasaaradda Arrimaha Gudaha,  Dawladaha Hoose iyo Horumarinta Reer Miyiga  ee Dawladda Puntland ayaa waxaa kasoo qayb galay Wasiirka Arrimaha Gudaha Dawladda Puntland, Wasiirka Dastuurka Dawladda Puntland, Wasiir ku-xigeenka Maaliyadda, Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Gudaha, iyo Madaxweyne kuxigeenkii hore ee Puntland Maxamed Cali Yuusuf Gaagaab, Wasiiradii hore ee Arrimaha gudaha Dawladda Puntland Cali Cabdi Awaare iyo Axmed Cabdi Xaabsade, masuuliyiin iyo dadweyne kale.

Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland ahna kusimaha Madaxweynaha Eng.Cabdixakiim Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey ayaa sheegay in dawladda Jabuuti iyo Dawladda Puntland uu ka dhexeeyo xidhiidh saaxiibtinimo iyo mid wada shaqayneed oo qota dheer,  isla markaana ay dawladda Jabuuti dhinacyo badan ka taageerto dawladda Puntland oo ay ka mid yihiin dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa sidoo kale ku tilmaamay Madaxweynaha Dawladda Jabuuti shaqsi taariikhda Afrika meel wanaagsan kaga jira marka loo eego horumarada baaxadda leh ee uu ka fuliyey waddankiisa iyo hannaanka dimuqraadiyadda ee uu ka hirgeliyey dalkiisa, isla markaana uu mudan yahay in lagu dhiiri geliyo markalena dib loogu doorto xilka Madaxtinimo ee dalkaasi.

Kusimaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland Eng.Cabdixakiim Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey ayaa ugu dambayntii sheegay in dawladda Puntland ay garab taagan tahay Dawladda Jabuuti iyo madaxweyneheedaba uuna ilaahay uga baryayo in uu markale ku guuleyo xilkaasi Madaxtinimo.

—DHAMMAAD—

MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

IMG_2242IMG_2248IMG_2252IMG_2257IMG_2260IMG_2262IMG_2264IMG_2267IMG_2269IMG_2273IMG_2277IMG_2284IMG_2295IMG_2302IMG_2306IMG_2309IMG_2312IMG_2313IMG_2315IMG_2317IMG_2319IMG_2324IMG_2325IMG_2330IMG_2334IMG_2337IMG_2347IMG_2360IMG_2368IMG_2385IMG_2392IMG_2416IMG_2418IMG_2423

About The Author