Daawo Video: (Bulsho Baratan iyo) Heestii BENDAR QAASIM ee Abwaan Bashiir Cabdi Jaamac (Shiish)

13 Marso 2016  (Puntlandes) Heestii BENDAR QAASIM waxa uu Abwaan Bashir Cabdi Jaamac (Shiish) u sameeyey waxqabadkii guud ee dawlada Puntland ee uu madaxweynaha ka yahay Dr Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, gaar ahaan FuritaankiiGaroonka Caalamiga ah ee magaalada Bosaso (BENDAR QAASIM).

Abwaan  Bashiir waxa uu ugu magacdaray Heestaan qiimaha leh BENDAR QAASIM, laakiin dadku waxay ku fududaysteen Bulsho maadaama ay heesta ku jirto.

Heesta BENDAR QAASIM ayaa waxaa ku luuqaynaya ama qaadaya Fanaanka caanka ah ee Bashiir Maxamed Abshir (Bashiir Nagaara).

Heesta BENDAR QAASIM oo macne badan Xambaarsan ayaa Abwaan  Bashiir waxa uu ku Cabirayaa sida ay yihiin iyo hab dhaqanka Shacabka Puntland iyo sida ay ugu tartamaan Horumarka iyo wanaaga dalkooda. Waxaa kaloo uu Heesta Abwaanku ku sheegayaa Waxqabadka guud ee Xukuumadda uu Hogaamiyo madaxweyne Dr Cabdiwali, iyadoo caan ku noqotay Xukuumadani “Puntland ha isku tashato”

215-7e

Abwaan Bashir Cabdi Jaamac (Shiish)

Daawo Heesta BENDAR QAASIM ee Abwaan Bashir Cabdi Jaamac (Shiish)

Puntlandes.com

About The Author