Jaaliyada Puntland ee Melbourne Australia oo kullan ballaaran oo dhaqaale ugu ururinayaan wadada Lafogorayo ee G. Gardafuu isu yimid

13 Marso 2016 (Puntlandes)Waxaa maanta sugu isugu yimid Kullan ballaaran Jaaliyada Puntland ee magaalada Melbourne ee dalka Australia, iyagoo ujeedada Kullanku ay ahayd inay Dhaqaale u uruuriyaan Wadada Lafagorayo ee Gobolka Gardefuu ee Puntland.

215-7c

Waxaa Kullankii maanta ay Jaaliyada Puntland ee magaalada Melbourne ee dalka Australia isku raaceen si midaysan inay, sidii lagu Bartay, ay Jaaliyadaasi Qayb lixaad leh ka qaadato Dhismaha Wadada Lafagorayo ee Gobolka Gardefuu ee Puntland.

Jaaliyada ayaa waxay isku raaceen in Dhaqaale ururin fiicanna loo sameeyo Wadadaas, isla markaasna waxay kaloo isku raaceen in ugu dambayn 15ka bisha soo socota ee April 2016 ay diyaar ka noqoto dhaqaalaha ay u qoondeeyeen Wadadaas.

Waxgaradkii iyo aqoonyahanadii ka hadlay kullankaas ayaa waxaa ka mid ahaa:

  1. Xasan Yuusuf Dhuux (Xasan Garabey)
  2. Xasan Duwe
  3. Axmed Maxamed Warsame (Axmed Dheere)
  4. Cumar  Cabdisamad Yuusuf Dhuux
  5. Nabadoon Xaashi
  6. Maxamuud Faarax
  7. Kayse Xaashi
  8. Axmedeey

Jaaliyada Puntland ee magaalada Melbourne ee dalka Australia ayaa ah Jaaliyad aad u firfircoon qayb lixaad lehna ka qaadata Horumarinta iyo Maalgashiga Puntland.

Puntlandes.com

About The Author