Sawiro: Jaaliyada Puntland ee magaalada Växjö ee dalka Sweden oo shir sanadeedkoodii yeeshay

13 Marso 2016 (Puntlandes) Jaaliyada Puntland ee magaalada Växjö ee dalka Sweden ayaa shalay oo taariikhdu ahayd 12kii marso 2016 yeeshay shir sanadeedkoodii.

Jaaliyada ayaa shirkooda ku doortay maamul cusub iyadoo gudoomiye loo Doortay Suldaan Ilkacasse iyo Xubno kale maamulka loo Doortay. waxaa kaloo Jaaliyada shirkoodu ku Ansixiyeen Miisaaniyadda sanadkan.

215-8a

Dhanka kale Jaaliyada Jaaliyada Puntland ee magaalada Växjö ee dalka Sweden ayaa waxay taageereen Mowqifka dawlada Puntland iyo shacabkeedu ay ku diideen in Soomaalidu wax ku qaybsato  Habka Qabaliga ah ee 4.5.

Jaaliyada Jaaliyada Puntland ee magaalada Växjö ee dalka Sweden ayaa ah Jaaliyad aad u firfircoon kana qayb qaata ka shaqayta Horumarka Puntland.

215-8a
215-8
Puntlandes.com

About The Author