Idil Cabdiqaadir Xaaji Xuseen ayaa xoriyadeedii dib u heshay Ururka Raaskambooniyiinta

13 Marso 2016 (Puntlandes) Waxaa xabsiga Magaalada Kismaayo laga siidaayey Drs Idil Cabdulqaadir Xaaji Xuseen oo ugu xirnayd Ururka Raaskambooniyiinta ee maamula maamulka Jubaland Sifo Sharci daro ah.

214-2b

Drs Idil ayaa ahayd gudoomiye ku xigeenkii Guddiga qoray Dastuurka maamulka Jubbaland, waxayna si Sharci daro ah ku xirnayd Drs Idil 15 casho iyadoo aysan jirin Maxkamad la soo taagay ama Xukuntay.

Damiga kaliya ee ay Drs Idil gashay ayaa ah inay ka dhalatay Beesha Harti ee Gobolka Jubada Hoose, waxayna xarigeedu uu la xiriiraa Ururka Raaskambooniyiinta oo ku haya dadka kasoo jeeda Beesha Harti CABURIN, CAGO JUGLAYN, BARAKIN, BOOB, XARIG iyo MASAAFURIN, iyadoo ilaa iminka magaalada Kismaanyo laga Masaafuriyey labo Isin oo ay leeyihiin Beelaha Harti.

Puntlandes.com

About The Author