XOG: CIIDAMADA DHUUMAALAYSIGA GARACAD KUSOO GALAY FARBAA KU GODAN WAANA ”GORAYGII XUDUN & NAGAADWAYNE”

DUULAAN QORSHAYSAN OO  MUDUG LAGU YAHAY

14 Marso 2016 (Puntlandes)  Maleyshiyo lagu sheegay Kooxda Alshabaab ayaa Qoraxdhicii maanta la wareegay magaalada Garacad ee degmada Jariiban ee Gobolka Mudug ee Puntland. Odoyaasha Garacad oo ka warbixinaya Qabsashada magaalada ayaa sheegay inay magaalada gudaha u galeen oo ay qabsadeen Ciidan badan oo gaaraya ilaa kun nin (1000).

158ab

Ciidamada Dhuumaalaysiga ku soo galay Garacad Farbaa ku godan!!!

Sidii loo sameeyey maamulka aan Dastuurka Waafaqsanayn ee Galmudug, DFS madaxweynaheeda Xasan Sheekh waxa uu ku waday Puntland iyo Shacabkeeda Colaad aad u xun.

Sheegashadii Gobolka Mudug ee Puntland

Ugu horayn Xasan Sheekh iyo tolkii waxay si gabasho la’aan ah ku Sheegteen inay iyagu leeyihiin Gobolka Mudug ee Puntland, uuna maamulkoodu ka kooban yahay labada Gobol ee Mudug iyo Galgaduud oo buuxa.

Markay taasi u socon wayday ayey waxay ku soo qaadeen Weerar bishii November 2015kii, iyagoo isku daygaas ku guulaysan waayey inay qabsadaan magaalada Gaalkacayo, kadib markii ay Shacabka iyo dawlada Puntland iska difaaceen.

DFS oo Ciidadamo kusoo daabushay Mudug ay ku taageerayso maamulka Cadaado!!

Qorshe ay DFS Ciidamo fara badan kusoo daabushay Gobolka Mudug ayey bilowday kadib weerarkii fashilmay, iyadoo marakan isku dayaysa inaysan Qorshaheedu Fashilmin.

Bariga magaalada Gaalkacyo

Balibusle oo u jira magaalada Gaalkacyo 70km ilaa Garoonka magaalada Gaalkacyo ee Cabdulaahi Yuusuf waxaa isku horfadhiya Ciidamo ay kuwa dhanka galmudug DFS kasoo daabushay magaalada Muqdisho si ay Colaad uga huriso Puntland kulana wareegto Gobolka Mudug.

Dhanka Bari waxay Ciidamadu isku hor fadhiyaan shan Goobood oo kala ah Jeexdin.  Godod , Dajiimaale,  Ceel la helay iyo Laaso dheer dheer.

Galbeedka magaalada Gaalkacyo

Dhanka Galbeedka magaalada waxaa iyana la isku hor fadhiyaa ilaa magaalada Saaxo oo Gaalkacyo u jirta 60km ilaa Gaalkacyo.

Dhanka Galbeedka meelaha ay Ciidamadu isku hor fadhiyaan waxaa weeye afar Goobood oo kala ah Saaxo, Teerade, Dhagacyada iyo Balida u dhaxaysa Gaalkacyo iyo Dhagax yacsadde

215-b

Magaalada Gaalkacyo Gudaheeda oo Ciidamo la soo Tubay

Magaalagada Gaalkacyo Gudaheeda ayaa waxay maamulka Cadaado oo taageero ka helaya DFS soo tubeen Ciidamo  aad u fara badan kuwaasoo soo buux dhaafiyey dhamaan meelihii lagu dagaalamay dagaalkii november 2015ka.

Gobolka Mudug wuxuu caawa ku sugun yahay jawi Colaadeed, waxaana Ciimado isku dul fadhiyaan laga bilaabo Bulibusle ilaa Saaxo oo ah masaafo dhan 130km.

Waxaa kaloo Caawo ku hoyatay gacan aan Puntland ahayn magaalada Garacad oo ay caawo Fiidkii qabsadeen Ciidamo gaaraya 1000 Askari.

Waxaa Soomaali oo dhami taqaanaa labo walxood oo Alshabaab lagu yaqaanay oo aan ka jirin Garacad:

1-Alshabaab 1000 Askari meel kuma weerarto, waa dharw boqol waxay wax ku weerartaa.

2-Meesha ay weerarayso waxay u dirtaa Dhalinyaro u dhalatay Degaankaas, Ciidamada Qabsaday Garacad kuma jiraan wax Degaanka kasoo jeeda.

Maxaa laga fahmi karaa Qabsashada Garacad?

Waxaa laga fahmi karaa Qabsashada Garacad:

  • Inaysan Alshabaab ahayn waxa qabsaday ee ay DFS tahay
  • In DFS ay duulaan ku tahay Gobolka Mudug iyo Puntland oo dhan.
  • In Ciidamada ay kusoo daabulaysay DFS ay ka mid yihiin kuwa Garacad qabsaday.

Idaacadaha taageera DFS ayaa faafinayey shalay inay Alshabaab Doonyo ka qaadatay Xarardheere taasooo ujeedku ahaa in la qaldo Shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan reer Puntland.

Dagaalkii Shalay & Saaka ka dhacay dhanka Bari ee magaalada Gaalkacyo iyo Qabsashada Garacad iyo Duulaanka Qaawan ee Xasan Sheekh waaa wax isku Qoolaran oo aan la kala saari karin sinaba.

Isku soo xeeriyoo Guud ahaan Puntland iyo gaar haan Gobolka Mudug ayaa waxay madaxa la galeen Colaad laga soo abaabulay magaalada Muqdisho uuna ka dambeeyo Xasan Sheekh oo Duulaan ku ah Puntland.

Xaalku Mudug waxaa weeye Caawa ninkii yiri halhayskii caanka noqday ee ahaa ”Gorayga Xudun iyo Nagaarwayne dhinacna uga degi waayey……”

Puntlandes.com

About The Author