Dhagayso: Dowladda Puntland oo sheegtay in DFS ay ku lugleedahay Duulaanka Alshabaab

15 Marso 2016 (Puntlandes) Kadib markii ay kulan saacado badan qaatay oo ay magaalada Garoowe kulahaayeen madaxweyne ku-xigeenka Puntland, Wasiirka Amniga iyo Saraakiisha Ciidanka oo looga hadlayey ciidanka Alshabaab ee qabsaday deegaamada xeebaha ah ayaa waxaa laga soosaaray warsaxaafadeed.

197-2a

Wasiirka Wasaaradda Amniga Puntland Cabdi Xirsi Cali Qarjab oo warbaahinta kula hadlay magaalada Garoowe ayaa sheegay in Ciidanka Alshabaab ee yimid xeebaha Puntland meelo kamid ah ay kayimaadeen Koonfurta Soomaaliya soona mareen deegaamo DFS.

Wasiir Qarjab ayaa sheegay in ciidankaasi ay kayimaadeen dhul fog aysana ka madax banaanayn DFS oo uu sheegay inay ka dambayso diidmada Puntland ee qaadashada 4.5.

Wasiirka aya si cad u sheegay inay Soomaaliya fooda la gashay Dagaal hor leh, isagoo ka codsaday Shacabka reer Puntland inay u istaagaan Difaaca dalkooda.

Dhanka kalena wasiirka ayaa waxa uu kaloo sheegay in ay la socdaan shir ay Muqdisho ku qabatay DFS loogana shirayey sidii loo Burburin lahaa dawlada Puntland.


Puntlandes.com

About The Author