Puntlad oo lagu soo duulay & Shacabkeeda oo Midnimo isku Difaacaya

15 Marso 2016 (Puntlandes)  Dawlda Puntland ayaa maanta shaacisay inay ku soo duuleen DFS, Alshabaab iyo Somaliland oo iskaashanaya.

197-2

Wasiirka Amniga Puntland oo shir jaraaid ku qabtay aqalka Madaxtooyada  Puntland ayaa DFS ku eedeeyey inay wax weyn ka og tahay dulaanka Puntland lagu soo qaadaay ayna hayaan xog buuxda oo cadayn u ah eedayntooda, Halkan ka dhagayso.

Wasiir Qarjab ayaa intaas kusii daray inay hayaan XOG ku saabsan Shir dhawaan ay Gaashaanbuurtaasi ku yeelatay magaalada Muqdisho, kaasoo lagu dejiyey Kaartadii lagu Buburin lahaa Puntland.

Wasiirka ayaa sheegay Somaliland oo Dhulbalaarsi wada iyo DFS oo doonaysa inay socodsiiso Habka Foosha xun ee Qabaliga ah ee 4.5 oo ay Puntland kasoo horjeesatay ay Gaashaanbuursi la galeen Kooxda Alshabaab si ay u Burburiyaan Puntland.

Shacabka  Puntland iyo guud ahaan dad badan oo Soomaali ah ayaa fikirkaa la qaba dawlada Puntland, maadama Puntland tahay Maamulka kaliya ee waxa ay DFS iyo Beesha Caalamku soo jeediyeen dhihi kara Maya,sidaas darteedna la doonaayo in lagu Burburiyo awooda Puntland si khasab ahna loo hoos keena Dawlada Muqdisho.

Dhanka kale waxaa sida Qoraxda usoo baxay doorka Qolyaha la baxay Beesha Caalamka ee sheegta inay daneeyaan arimaha Soomaaliya , iyagoo Badda Soomaaliya soo geliyey Maraakiib Dagaal oo ciida ka badatay ku doodaya inay Burcad Badeed iyo Alshabaab ka ilaalinayaan Halkan ka dhagayso Heestii Beesha Caalamku waa tumu?.

Waxaana iminka Cadaatay inaysan wax talaabo ah ka qaadin Ciidanka la sheegay inay ka tirsan yihiin Alshabaab oo Badda ku safrayey muddada ka badan 3da Cisho.

Waa Xiligii Midnimada aynu ku Difaacan lahayn dalkeena (Puntland)

Shacabka Puntland oo ah shacab aad u bisil waxay hal mar ilaa shalay ku baraarugeen Dabinka ay u Qooleen Gaashaanbuurta isku kaashatay inay Burburiyaan dawladooda iyo dalkooda.

Waxay Amaan iyo Bogaadin ku mudan yihiin inay dhamaantood mu’ayid iyo Muxaafidba ay ku midaysan yihiin maanta Difaaca Puntland, iyadoo ay dawladooda ku hogaaminayso Difaaca dalka.

Puntlandes.com

About The Author