Sawiro: Wasiirada Cadaalada & Haweenka Puntland oo Shir Muhiim ah uga qaybgalaya New York

16 Marso 2016 (Puntlandes) Wasiirada Cadaalada Habiib Jaamac iyo Haweenka Puntland Anisao Xaaji Muumin ayaa ka qayb galaya shir muhiim ah oo ka furmay magalada New York kaasoo looga hadlayo xalada haweenka adduunka gaar ahaan horumarka laga gaaray jinsiga iyo gudniinka haweenka dhibaateeya, waxaana muddada uu socda kullankaasi lagu wadaa in sidoo kale looga hadlayo horumarada laga gaaray xagga horumarinka.

Wasiirka Haweenka Puntland Aniso Xaaji Muumin ayaa kullankan ku tilmaamay mid muhiim u ah Puntland, maadama labo wasiir lagu marti qaaday ayna qayb ku lee yihiin khudbadaha laga soo jeedinayo madasha.

Aniso Xaaji Muumin ayaa khudbadeeda shirkaasi waxay kaga hadli doontaan guulaha laga gaaray horumarinta haweenka, siyaasada, xeerka jinsiga iyo gudniinka waxyeelada dumarka.
1

2

3

4

5

About The Author