Dhagayso: Shirkii Jaraa’id ee Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Ka Hadlay Dagaalka Alshabaab

16 Marso 2016 (Puntlandes) Wasiirka Warfaafinta ee dawladda Puntand Maxamuud Xassan Soocade oo saxaafada kula hadlay saxaafada Xafiiskiisa ayaa sheegay in Ciidanka dowladda Puntland ay guulo ka gaareen dagaalkii ka dhacay Garmaal iyo Suuj.

215-10e

Wasiir Soocadde ayaa sheegay inay dhowaan soo bandhigi doonaan khasaaraha ka dhashay dagaalka ay Ciidamad Puntland la galeen Ciidamadii ay soo abaabushay DFS, iyadoo ay weli ku raadjoogaan firxadkii kooxdii iyo Haraadigiisa.

Wasiir Soocadde ayaa waxaa kale oo uu sheegay inay Ciidamada Puntland 72 saac kusoo afjarayaan dhamaan howl galka hadana ciidamada ay bacsanayaan firxadka dhaman kooxihii saaka laga saaray dooxada suuji hadana lagu daba jiro khasaare badana lasoo gaarsiyay balse ciidamada aysan waxba soo gaarin.

Dhanka garacad meelaha u dhow sida kulub ayaa waxaa uu sheegey inay ciidamadu ku hareeraysan yihiin mardhowna lasoo afjarayo waxaana uu sheegey in dhalintan argagixisadaa ay daaalan yihiin awoodna u lahayn inay hubka qaataan.

Waxaa uu ugu baaqay inay isa soo dhiibaan  kooxaahan haday isa soo dhibaan ay dowladu waxba u dhimayn balse hadii dagaal lagu qabto Puntland ay xeer u leedahay lana mar siinayo sharciga waxa uu ka qabo Puntland,na aysan u babac dhigi karin.

Dhagayso Wasiir Soocade


Puntlandes.com

About The Author