Dhagayso: M/wayne Kuxigeenka Puntland ”AMISOM Puntland uma baahna”

18 Marso 2016 (Puntlandes) Madaxwayne Kuxigeebka Dawladda Puntland ahna Ku-simaha Madaxwaynaha Cabdixakiin Cabdulaahi Xaaji Cumar Camay oo waraysi siiyey idaacadda BBC ayaa ka warbixiyay Dagaalkii Suuj iyo Hawlgalka Sifeynta ee ay Ciidamada Puntland ah oo looga sifaynayo Alshabaabtii sida dhuumashada ah usoo galay Xeebaha Puntland.

207-2

Camay ayaa sheegay in wali qaar ka mid ah Alshabaab ay ku dhuumanayaan Toga SUUJ wuxuuna yiri mar uu ka hadlayey arinkaas ”11:25 Daqiiqo xalay ayay isku dayeen inay Toga Suuj ka baxaan Ciidankeena ayaa rasaas huwiyay dib ayay godka ugu noqdeen marka laga reebo intii meesha ku dhimatay, waxaana qorshaha Puntland uu yahay in lasoo afjaro Argagixisada”

Dhagayso Madaxwayne Kuxigeebka Dawladda Puntland

 

About The Author