WAR DEG DEG AH: DAGAAL CULUS OO KA BILOWDAY DEGAANKA GAWL EE U DHEXEEYA GARAV`CAD & KULUB

19 Marso 2016 (Puntlandes) War iminka kasoo gaaray Warbaahinta Puntlandes ayaa wuxuu sheegayaa in Dagaal aad u culus uu ka bilowday Aaga Garacad ee ay isku horfadhiyeen Ciidamada Difaaca Puntland iyo Malayshiyadii Alshabaabka ahayd ee sida Dhuumaalaysiga kusoo galay Xeebaha Punytland gaar ahaan Gobolada Mudug iyo Nugaal.

Dagaalka culus ayaa goor dhawayd ka bilowday deegaanka GAWL oo u dhaxeeya degmada Garacad iyo Degaanka Kulub, halkaaso ay saacadihii u dambeeyey ku sugnaayeey Malayshiyadii Alshabaabka.

215-8b

 

Daryanka madaafiicda waawayn iyo Jugta rasaasta ayay ciidamada Puntland la beegasanayaan maleeshiyadda Alshabab ee maalin ka hor ciidanka kula dagaalamay deegaano u dhow degmada Godob jiraan

Xiriir toos ah oo aan goor dhawayd la sameeysay Warbaahinta Puntlandes saraakiisha Ciidanka Dufaaca hogaaminaysa ayaa waxay u xaqiijiyeen in dagaalka maanta uu ka duwan yahay kuwii horre Islamarkaana meel banaan ah laga helay maleeshiyada Alshabab,Taasoo sababi doonta khasaare ka baaxad weyn midkii hore oo la filayo inuu gaaro Shabaabka

Faahfaahin kala soco Warbaahinta Puntlandes

 

About The Author