DEG DEG-Dhagayso: Dagaal saaka lagu qaaday Malayshiyadii Alshabaab ee Degaanka Garacad maqal daryanka madaafiicda

20 Marso 2016 (Puntlandes) Saaka ayaa Ciidanka Difaaca Puntland oo maalmihii u dambeeyey waday Hawlgal lagu sifaynayo Malayshiyada Alshabaab ee sida Dhuumaalaysiga ah kusoo galay qaar ka mid ah Xeebaha Puntland waxay weerar ballaaran oo ku qaadeen Malayshiyadii ku sugnayd Aaga Garacd ee Degmada Jariiban ee Gobolka Mudig.

215-8b

Maalinkii shalay ayey ahayd markii Ciidanka Difaaca Puntland aysoo afjareen Malayshiyada Alshabaab ee ku dhuumaalaysanaysay Togga SUUJ.

Sarkaal ka tirsan ciidanka Puntland Low Cabdicad oo ku sugan goobta dagaalku ka soconayo waxa uu u khadka telefonka ugu waramay Wariye Abshir Abdulaahi Maxamed oo ah saxafi madax banaan oo jooga Garowe.


Puntlandes.com

About The Author