BREAKING NEWS: IN KA BADAN 80 KA MIDA ALSHABAAB OO LAGU DILAY DAGAALKA GARACAD

20 Marso 2016 (Puntlandes) War hada kusoo dhacay Warbaahinta Puntlandes ayaa sheegaya in Ciidanka Difaaca Puntland ay maanta Dagaalkii mudada dheer socday ugu gaysteen Malayshiyada Alshabaab Khasaare lixaad leh.

215-8b

Warka ayaa sheegaya in Malayshiyada Alshabaab laga dilay in ka badan 80 ka mida Malayshiyadaas, iyadoo lagu qiyaasayey in ay ahaayeen Alshabaabka halkaas sida dhuumaalaysiga u soo galay 300 ilaa 400. Goobta lagu dagaalamayo ayaa ah meel Cadduun ah oo banaan aanna lahayn meelo lagu gabado.

Dhanka Ciidanka Difaaca Puntland ayaa khasaaraha kasoo gaaray Hawlgalkii maanta waxa uu ahaa mid kooban oo ah 3 dhimasho ah iyo 20 dhaawac ah.

Faahfaahin kala soco Warbaahinta Puntlandes

About The Author