DEG DEG: CIIDAN PUNTLAND OO TOGGA SUUJ KUSOO BANDHIGAY MAXAABIIXTII & MAYDADKII ALSHABAB

21 Marso 2016 (Puntlandes) Saraakiisha Ciidamada Difaaca Puntland ayaa iminka Saxaafadda usoo bandhigsy Khasaarihii lagu gasrsiiyey Togga SUUJ Alshabaab, kadib markii ay Ciidamadu soo Afjareen Hawlgalkaasi.

Waxaa Saxaafadda loo soo bandhigay 31 maxbuus iyo in kaban 60 dhimasho ah.

G. Muxiyadiin Axmed Muuse oo ah saraakisha ciidanka Puntland hogaaminaysa oo toga SUUJ Saxaafada kula hadlay ayaa sheegay in holgalkii TOGGA SUUJ la soo afjaray ayna hada wali raad goobayaan maydad kale oo la rumaysan yahay in ay in taas ka badan yihiin.

Maxaabiista halkaas lagu soo bandhigay ay u badan yihiin dhalin yaro Da’doodu u dhaxayso 13-19 jir.

About The Author