Dhagayso-Hiiraan: Ugaas Khaliif ”Wax aan ka Aqbalay DFS ma jirto oo la xiriira shirka Jowhar”

23 Marso 2016 (Puntlandes) Ugaas Xasan Ugaas Khaalif oo ka mid Isimada Geelaha Gobolka Hiiraan ayaa sheegay aysan kula Heshiin DFS inay tagaan Shirka Jowhar.

216-7f

Isla maanta ayaa DFS waxay ku dhawaaqday inay reer Hiiraan ku Qanciyeen inay Shuka Jowhan dib ugu laabtaan

Dhagayso Wariirka Warfaafinta DFS oo VOA waraysatay

Beelaha Gobolka Hiiraan ayaa beeniyey hadalka kasoo yeeray DFS

Beelaha Gobolka Hiiraan ayaa beeniyey in ay DFS kula heshiiyeen Shirar Fashil oo uu la qaatay Raysul Wasaaraha DFS Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke .

Ugaas Khaliif ayaa sheegay in ay waftiga DFS hordhigeen laba qodob oo kala ah: In gogosha shirka Jowhar lagu soo celiyo magaalada Beledweyne

In shir dib uheshiisiin la sameeyo

Ugaaska ayaa caddeeyey in aan la isku Afgaran, laguna kala tagay.

Ugaaska ayaa sheegay inaysan weli aqbalin inay ku laabtaan shirka Jowhar.

Dhagayso Ugaas Khaliif oo VOA waraysatay

About The Author