AKHRISO HAMBALTADA BEENTA AH EE AY DAMUL JADIID ISKU DIRAYAAN “GALMUDUG BAA ALSHABAB JEBISAY”

26 Marso 2016 (Puntlandes) Tan iyo markii ay Ciidan aad u fara badan ay Alshabaab ku weerartay Puntland kadibna ay Ciidanka Difaaca Puntland usoo dhigeen Cashar lama ilaawaan ah waxaa kooxda Villa Somalia ka talisa ku dhacay madaxwareer, iyagoo ay la tahay waxa loogu yeero Beesha Caalamka oo aanba doonayn inay Soomaaliya ka hanaqaado dawlanimo inay taageeraan dawlada Puntland.

Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh ayaa bilaabay inuu dhaho waa isku mid dagaalka Puntland kula jirto Alshabaab iyo midka ay kula jiraan Cadaado, Baydhabo iyo Kismaayo, hada ogow meelna waa markii ugu horayay oo Alshabaab soo gasho meelana waa Gurtaheeda ay ku dhalatay kuna barbaartay. Laakiin ujeedada Xasan Sheekh waxay ahayd inuu Indhaha aduunka ka leexsho Guusjha Puntland ay ka gaartay Alshabaab oo AMISOM oo iyaga ilaalisa gaaraysana 24000 Ciidan ah aysan ka gaarin.

189-10

Intaas kadib ayaa Qaar ka tirsan Alshabaabkii lagu jabiyey Puntland oo Gaajo, Haraad, Tabardarro iyo Rasaas la’aan, Halka ka dhagayso, waxay u carareen iyagoo naf la caaroi ah dhanka maamulka Gobol iyo barka sheegta laakiin aan gacanta ku hayn Degaanada uu sheegto iyadoo qayb ka mida ay Alshabaab ka taliso qab kalena uu maamulka Ahlu-Sunna Waljameeca ka taliyo.

Firxadkii Alshabaab ee Puntland soo jabisay ayaa waxa ay u arkeen Jaanis ay ku barbardhigaan dawlada Puntland tan Cadaado iyagoo waxbaan dilay iyo dagaal baan galnay ku badatay, maantana waxaa mar qura isku hambalyeeyey Xasan Sheekh iyo C/kariim oo madax ah ka ah maamulka  Gobol iyo barka ee aan Dastuurka waafaqsanayn.

C/kariim Xuseen Guuleed ayaa yiri

“Waxaa cadowga dagaalkii ilaa shaley socday looga dilay ilaa iyo 60 maliishiyaad, iyadoo ilaa iyo 38 maxbuusna laga qabtey. Hubkii ay siteen laga furtey, waxaana u mahad celinayaa shacabka oo iyaguna door aad u weyn ka cayaaray inay dhulkooda u diidaan inuu cadowga sal dhigto’’

Saaxiibkiis Xasan Sheekh ayaa isna lasoo booday Hambalyo iyo Bogaadin wuxuuna yiri

“Waxaan ammaan iyo bogaadinba u diraya ciidammada Galmudug guulaha ay ka soo hoyeen dagaalka ay kula jiraan firxda Al Shabaab ee horrey ugu soo jabey Puntland. Waa inaan la siin cadowga fursad uu ku saldhigto, lagana sifeeya dhammaan degaannada dalka ku yaalla ee ay doonayaan inay ku dhuumaaleystaan.’’

Xasan Sheekh oo hadalka sii wata ayaa intaas kusii daray

“Maamullada Puntland iyo Galmudug waxay shacabka iyo caalamkaba tuseen in Al Shabaab laga adkaan karo, lana soo afjari karo dhibaatada ay shacabka ku hayaan. Maamullada kale ee dalka iyo shacabka waxaan ugu baaqayaa inay iyaguna sidaas yeelaan oo cadowga ka hortaagan horumarka ay iska dul qaadaan’’

Degaanada ay ka midka tahay Xarardheere oo ay Ashabaab kaga soo duushay Puntland waxaa sheegtya maamulka C/kariim marka soo ma qumanayn Xasan iyo C/kariim inay ka Xoreeyaan Degaanada ay mudada dheer ka talinaysay Alshabaab uuna sheegto C/kariim inta ay Riwaayad BEEN ah oo cid walba fahmayso JILAYAAN.

Puntlandes.com

About The Author