Sawiro: Dibad bax ballaaran oo looga soo Horjeedo imaanshaha Xasan Kheekh oo Beladweyne ka socda

26 Marso 2016 (Puntlandes) Wararka ay ka helayso Warbaahinta Puntlandes magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in halkaasi uu kasocdo iminka banaanbax rabshada wata oo looga soo horjeedo imaanshaha Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh oo shalay soo gaaray magaalada Baladweyne.

Dadka Banaanbaxaya ayaa ku qeylinaya ereyo ay uga soo horjeedaan DFS gaar ahaan wafdiga Xasan Sheekh ee ku sugan magaalada Baladweyne.

Banaanbaxa ayaa markii dambe rasbshado isku badalay kadib markii ay isku dhaceen dadka dhigayay banaanbaxa iyo ciidamada amaanka, waxaana Wararka in rasaas ay fureen Ciidanku ay ku dhaaawcmeen sadax qof oo dibad baxayaasha kamid ahaa .

Ciidamo badan oo katirsan Dowlada ayaa lasoo dhoobay xaafadaha kala duwan ee magaalada Baladweyne si ay uga hortagaan in banaan baxa ku fido magaalada, waxaana lasoo sheegayaa in qeybo kamid ah magaalada Baladweyne uu wali kasocdo Banaanbax Rabshado wata.

Xasan Sheekh oo shalay gaaray Baladweyn aya ujeedada safarkoodu waxa uu yahay inay ku Qanciyaan Odoyaasha iyo Waxgaradka Gobolka Hiiraan inay dib ugu laakbtaan Shir ay Kooxda madaxweynuhu ka furtay magaalada Jowhar oo ay maamul ugu samaynayaan Gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.
217-5

217-5a

217-5b

217-5c

217-5e
Puntlandes.com

About The Author