Hubkii DFS usoo dirtay Puntland oo ka maqnaa qarxiyaha

26 Marso 2016 (Puntlandes)) Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Warbaahinta  Puntlandes ayaa sheegaya hubkii, Qoyo AK47 ah, ay DFS ku deeqday Puntland markii uu socday Dagaalkii Alshabaab looga sifaynayey qaybo ka mida Xeebaha Puntland uu ka maqanaa qarxiyaha taasoo Qorgiga ka dhigaysa wax aan la isticmaali karin.

217-5d

Sarkaal ka tirsan madaxtooyada Puntland ayaa sheegay inay arrintaasi dhab tahay oo aan la garan karin sababta hubkan aan kaamilka ahayn loogu soo dhiibay Puntland.

Ma jirto ilaa iyo hadda hadal rasmiya oo kasoo baxay dhanka Puntland kaasoo ku aadan hubkaasi iyo waxay ka og tahay DFDS maadama shacabku ay aad u hadal hayaan sababta keeni karta in hubkan laga soo reebo qarxiyihiisa loo soo diro Puntland.

Dhinaca kale Sarkaal DFS ka tirsan ayaa sheegay in hubkan sidii lagu soo gaarsiiyay ay usoo gudbiyeen.

Puntlandes.com

About The Author