Daawo Video-Sawiro: Madax Dhaqameedka Gobolka Hiiraan oo ku dhwaaqay inuu Fashilmay Shirkay Xasan Sheekh la qaateen

26 Marso 2016 (Puntlandes) Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh ayaa kullan uu la qaatay Madax Dhaqameedka Gobolka Hiiraan waxa uu kusoo idlaaday FASHIL, isagoo ku doonayey inuu uga dhaadhiciyo inay tagaan magaalada Jowhar oo ay DFS ka furtay Shir maamul loogu samaynayo Gpobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo Saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in madaxweynaha DFS ay kawada hadleen saddex qodobo oo kala ah;

  1. In dib-u-hishiisiin la sameeyo
  2. In Gobolka Hiiraan loo qaybiyo 2 Gobol ama in Soomaalidu wax ku Qaybsato 8dii Gobol ee Soomaaliya ay ka koobnayd 1960kii
  3. In Gogosha Shirka dhismaha maamulka labada Gobol loo soo wareejiyo magaalada Beledweyne.

Ugaas Xasan Ugaas Khaliif ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan uusan wax jawaab ka siin dhamaan qodobadii ay kala hadleen.

“Madaxweynaha Somalia, waxaan u sheeganay saddexdii Qodob ee aan ka Wada-hadalnay RW Sharma’arke, siddexdii qodob ee aanu hor-dhignay… wax jawaab ah nagama siin sidaa ayaana ku kala tagnay,” ayuu yiri Ugaas Xasan Ugaas Khaliif.

217-6

217-6a

217-6b

217-6c

 

About The Author