Sawiro: Isimada Gobolka Mudug oo uu Hogaaminayey Islaan Bashiir oo Booqday Mashruuca Horumarinta Bursaalax

28 Marso 2016 (Puntlandes)  Waxaa Todobaadkii hore Dabayaaqadiisii, 26kii March 2016, Booqasho ku tagay Mashruuca Horumarinta Bulshada Bursaalax ee magaalada Bursaalax Isimada Gobolka Mudug oo uu Hogaaminayo Islaan Bashiir Islaan Cabdille, waxaana Isimadaas kala ahaayeen Amiir Maxamuud Yuusuf Ciise iyo Imaam Cabdiwahaab Maxamuud Gureysi.

Isimada Gobolka Mudug oo uu Hogaaminayey Islaan Bashiir Islaan Cabdulle waxay guud ahaaneed iyo si gaar ahaaneedba ugu Hambalyeeyeen Ummuddii Qabsatay ama ka shaqaysay Horumarka Bursaalax ka jira.

Waxayna Isimadu ku tilmaameen Mashruuca Horumarinta Bulshada Bursaalax  mid ku dayasho mudan.

Dhanka kale waxay Isimadu u mahadceliyeen dadkii soo qaban qaabiyay ama ka shaqeeyey Xafladii lagu soo dhaweeyey ee ka dhacday Qaybta Kuleejka ee Mashruuca Horumarinta Bulshada Bursaalax.

Wafdiga Isimada ayaa waxaa si diiran ugu soo dhaweeyey Mashruuca Horumarinta Bulshada Bursaalax maamulka Mushruuca oo uu Hogaaminayey Maareeyaha Guud ee Mashuura Horumarinta Bursaalax Cabdirashiid Faarax Geelle.

Mashuura Horumarinta Bursaalax waxa la’aas aasay 1999,waxaana la daah furay 2001, halkan ka daalaco warbixin ay Warbaahinta Puntlandes ka qortay. Mashruuca waxa aas’aasay Bulshada reer Puntland gaar ahaan Gabolka Mudug kuwaasoo dalka gudihiisa iyo dibadiisaba kala jooga.

Mashuura Horumarinta Bursaalax wuxuu maamula Dugsiga sare ee Burar, Dugsiga Hoose Dhexe ee Cirro, Ceelasha biyaha iyo Biyogelinta Bursaalax, Beer wayn, Iskuulka Farsamada Gacanta, Koleej/Boodhin, Isbitaal wayn, Waaxda Arrimaha Diinta iyo Masaajidka. Waxaana wax ka barta Mashruuca isugayn Arday ka badan 1500 Arday.
1

2

3

4

5

Puntlandes.com

About The Author