Warbixin sanadeedkii Mashruuca Hormarinta Bulshada Bursaalax

0

Hordhac 7-07-2014

Mashruuca hormarinta bulshda Busalax waxa la’aas aasay 1999,waxaana la daah furay 2001 ilaaa iyo hadda oo taariikhdu tahay 2014-ka.Mashruuca waxa aas,aasay Bulshada reer Puntland gaar ahaan gabolka mudug kuwaasoo dalka iyo dibadaba kala jooga.

Mashruuca waxaa loo aasaasay baahiyo badan oo ka jirey deegaanka sida biyaha,caafimaadka waxbarashada, deegaameynta iyo IWM.

Mashruucu wuxuu ku guulaystay qaybo badan oo ah baahiyihii loo aasaasay ah oo ay ka mid yihiin kuwa aan kor ku soo xusnay.

Mashruucu wuxuu tusaale wanaagsan u noqday dhammaan bulsho weynta Soomaaliyeed dal iyo dibadba gaar ahaan reer puntland.

 

Mashruucu wuxuu tiir dhaxaad u noqday isku dayga dhanka wanaagsan iyo wax wada qabsiga taasoo dad badan oo reer puntland ah kaga daydeen hannaanka wanaagsan ee uu bulshadda reer Puntland  u horseeday. Kaasoo u noqday tusaale dhanka wanaagsan ee marnaba la illaawi Karin.

Mashruucu sidoo kale wuxuu makaab tusaale ay u soo qaataan u noqday madaxda ,aqoon yahanka iyo wax garadka bulshada reer Puntland.

 

Mashruucu sida oo kale wuxuu bulshada reer Bursaalax u noqday illays ay mugdiga kaga baxaan kuna hiigsadaan dhanka hormarka sida Biyaha,caafimaadka ,waxbarashada iyo deegaameynta  illaa Bursaalax ka noqotay goob dadka reer puntland ay ku hammiyayaan in mustaqbalka deegaan ku yeeshaan,sidoo kale mashruucu wuxuu bursaalax ka dhigay meel ka hormartay degmooyinka iyo tuulooyinka in badan oo ka mid ah Puntland haddana tartan kula jidha gobollada puntland tartankaas oo ah tusaale u noqoshada dhanka wanaagsan.

 

Halkan hoose ka daawo Barnaamij ka hadlaya Waxbarashada Bursaalax 23 08 2013

Mashruucu isagoo ka duulaya baahiyaha ka jira puntland gaar ahaan gobolka mudug ka sii gaar ahaan Bursaalax iyo deegaannada ku hareerraysan, baahiyaha mashruucu ku tillaabsaday waxa ka mid ah:

 

 

 

 

 

Warbixinta Dugsiga Sare

 

Jawiga guud ee dugsiga sare hadda aad ayuu u fiican yahay marka laga fiiriyo dhanka akhlaalaqda ardada iyo aqoontoodaba waxay samaysay kobac aad u wanaagsan.

Waxaa kale  oo sanadkan noo hirgashay in taarikhda markii ugu horaysay uu arday reer Bursaalax ah uu A grade keeno imtitaankii guud ee laga qaaday ardayda fasalka 12naad ah ee Puntland. Taasoo ah daagfurkii u horeeyay ee guulihii dadaalka waxbrashada ahaa oo la hiigsanayay iyadoo sanadka soo socda ardayda form four-ka u farisanaya oo ah tiradii u badanayd ay u noqotay arintani bilow cusub oo ah in ardaydu u tartamaan kaalimaha sare.

 

   Ardayda u  fariisatay imtitaaxanka fasalka 12naad waxay tiradoodu ahayd 15 arday,waxaana kadhacay hal arday oo kaliya.

 

Dhanka kale waxaa meesha kabaxay ardadii badalan jirtay arintaas oo caqabad wayn ku ahayd dugsiga,waxaana lagu joojiyey tilaaboyin laqaaday sida::

  1. Dugsiga oo lagu soo korddhiyey qaybtii Arts-ka taas oo aan awal jirin        saamayn wayna kulahayd badalka ardada.
  2. Koronto galintii digsiga
  3. Dhamaystir fiican oo lagu sameeyey buugaagtii manhajka kuslaysnayd.
  4. Macalimiin tayo leh oo looqaatay dugsiga iyo waliba dhiirigalinta ardada oo ay ka qayb qaateen maamulka dugsiga ,macalimiinta gudiga waalidiinta iyo culimo awdiinka.

Dhamaan arimahaas aan kor kusoo sheegnay iyo dadaalo badan oo kale ayaa suurto galiyey in ardadii badalan jirtay is istaagto waana alle mahaddiis.

Sidoo kale waxaa sanadba sanadka kadambeeya siyaadaya ardada dugsiga sare ilaa sanadkaan 2014-2015 aan filayno ugu yaraan iney dugsiga kusoo biiraan 130 arday oo cusub.

 

  Waxyaabihii uqabsoomay dugsiga sare sanadkaan 2013-2014

 

1. In la dhisay gudigii waalidiin (C.E.C) ee dugsiga kaasoo lagu xushay aqoon ,akhlaaq iyo xil kasnimo  kana kooban 7 xubnood oo leh gudoomiye,gudoomiye kuxigayn iyo xoghayn.

Gudigaas oo kaalin lama ilaawana kagalay dhiirigalinta ardada, xalinta khilaafaadka  iyo iwm.

2.In mar sadexaad maamulka dugisigu qaymayn kusameeyey buugaagta manhajka lana diiwaan galiyey buugaagtii ugu muhiimsanayd baahida manhajka kadibna laga codsaday ururka dhalinyarada ISA ay markaasna ugu deeqeen buugaagtii intoodii badnayd.

3.In kadib marka la arkay sida xoogan oo ardada dugsigu usiyaadayaan sanadkaan ay maamulka dugsiga oo kaashana gudiga waalidiintu qiimayn kusameeyeen baahida fasalada loo baahan yahay kadibna ay ugudbiyeen wasaaradda wax barshadda puntland ayana ay ka aqbashay una soo xilsaartay haayadda care international hadana ay kawadaan dugsiga sare sadex fasal oo qalabaysan labo musqulood iyo rugta gabdha(girl’s friendly space) oo wadata 4 musqulood oo gudaha ah.

4.In sidoo kale ugu yaraan 100 arday oo dugsiga sare ah ay sanadkaan xaraysteen shahaadooyin kala duwan sida sideedaad, sagaalaad iyo tobnaad ee wasaaradda wax barsshadda Ethiopia taas oo ah in ardaygu hal dhagax labo shimbirood kuwadadilo oo intuu halkaan wax kabaranayo uu kadiiwaan gashanyahay wasaaradda kale ee Ethiopia hadhowna jaamacadda uu rabo uu kahelo.

5.Kadib markii ay maamulka dugsiga,macalimiinta iyo gudiga waalidiintu iska kaashadeen dhiirigalinta ardada taas waxaa kasoo baxay mira dhal fiican oo ay kamid tahay in ardadii ay kaqayb qaateen horumarinta dugsiga sida dhisida daabuurka dugsiga ,dhiraynta dugsiga dayactirka agabka dugsiga iyo korontada iyo waliba haqab tirka dhanka nadaafadda dugsiga

The Academic year Enrollment 2013/2014

No Classes No of students Male Female Remarks
1 Form I 60 47 13
2 Form II 39 31 8
3 Form III 30 20 10
4 Form IV 14 10 4
Total 143 108 35

 

 

Warbixinta sanadlaha ah ee dugsiga Hoose dhexe ee Cirro Bursaalax

160
Dugsiga hoose dhexe ee Cirro Bursaalax waxaa la aasaasay sanadkii 1999 waxaana albaabada loo furay 13/9/2002dii waxaana aasaasay dad mutadawiciin ah oo dibada iyo gudaha jooga ilaahay xasanaadkooda miisaanka ha ugu daree.

Dugsigu marba marka ka danbaysa waa sii korayey waxbarasho ahaan, tirada ardayda,  macalimiinta iyo fasaladuba

Sanad dugsiyeedka 2013/2014  tirada ardadu sare ayey u kacday sababo la xariira xagga tayaynta waxbarashada iyo dhIIri gelinta bulshada.Tirada ardadu sanad dugsiyeedkaan waa 973 oo gabdho iyo wiilal isugu jira. Sidaa oo kale, tirada fasalladu waa 24  kuwaas oo lagu dhigto subaxdii iyo galabtii.Tirada macalimiintu waa 17 bare oo kala dhiga labada galinba.Nadaafadda waxaa ka shaqeeya laba qof sidaa oo kale, waxa jira laba waardiye oo is badbadla.

158

Sanadkaan tirada ardada  8aad-ku  waa 83 arday taas oo ku tusinaysa kororka ardada iyo tayaynta waxbarashada ee sanad dugsiyeedkaan 2013/2014

 

Haddaba ,shaxdaan waxa ay muujinaysaa tirada fasallada iyo ardadaba.

NO fasalka wiilasha Gabdhaha Wadarta guud
1 1aadB 16 8 24
2 1aadT 14 13 27
3 2aadB 28 19 47
4 3aadB 45 14 59
5 4aadB 25 17 42
6 4aadT 21 13 34
7 5aadB 33 19 52
8 5aadT 32 20 52
9 6aadB 29 21 50
10 6aadT 34 18 52
11 7aadB 43 16 59
12 7aadT 42 18 60
13 8aadB 35 12 47
14 8aadT 27 15 42
Total   424 223 647

Norwegian refugee council {NRC}

NO Heerka wiilasha Gabdhaha Wadarta guud
1 Heerka 1aaD 37 29 66
2 Heerka 2aaD 66 44 110
3 Heerka 3aaD 27 32 59
4 W/dadban 34 17 51
wadarta   163 122 286

 

Guulaha sanadkaan lagaaray waxa ka mid ah:

1)      Tiradii ardada oo kor u kacday.

2)      Tayadii waxbarashada oo kor loo qaaday.

3)      Samayn qorshe manhaj sanadle.

4)      Hirgalinta cashar diyaarin joogto ah.

5)      Hir galinta qol macalimeentu ku nastaan gaarna u ah .

6)      Hirgalinta laybareer(maktabad)i ardadu isticmaalan  waxbarashadana kor u qaaday.

7)      Dhiraynta wajiga hore ee dugsiga.

8)      Dayactir lagu sameetey suuliada dugsiga hoose (ded iyo hagaajin)

9)      Suuliyo cusub oo loo dhisay dugsiga hoose (Care)

10)  Fasallada 1aad oo qaabkii waxbarashada is bedel lagu sameyey si waxbarashadooda kor loogu qaado.

11)  Tartan ardada dhexdeeda ay sameeyaan oo ay sabab u tahay tayada waxbarashada.

12)  Caawinta ardada aqoontoodu hooseyso  sigaar ah.

13)  Waxqabad ay muujiyeen fasallada 8aad  tusaale ahaan _waxa ay sameeyeen dhirayn iyo hagaajinta daabuurka dugsiga .

 

 

Qorshaha sanadka soo socda haddii alle idmo.

 

1)      Kor u qaadida tayada waxbarashada (educational materials and qualified teachers)

2)      Kor u qaadida tayada macalimiinta (training and Seminars)

3)      In dayac tir lagu sameeyo dugsiga hoose dhexe oo aan wax dayactir ah lagu samayn mudo lix sano ah.

4)      In dhiiri gelin loo sameeyo macalimiinta oo ku shaqeeya daruufo adag iyo mushaarka oo ku yar.

 

Dugsiga Quraanka iyo darasaadka islaamka

 

1:waxaa dhiiri galin joogto ah loo sameeya ardayda Quraanka

2:waxaa maamulka masaajidka imaam iyo mu’adinba ka ah ardayda  dugsiga

3:waxaa ardaydu ka qayb qadanahayan tartanka quraanka kariimka ah ee gobolka mudug oo kala ah 5ta jus,10,15,20,25 iyo 30.

 

161

 

Waaxda collge-ka

 

1: waxaa si joogto ah usoo hagaagahayay akhlaaqda iyo aqoonta ardada college-ka

2:waxaa hada dugsiga sare iyo kan hoose dhexeba kaalimaha u sareeya waxbarashada galay ardada college-ka

3:waxaa laga keena ardada collegeka deegaano kala duwan sida Garoowe,Laascanood,Buuhodle,Galkacyo iyo Galdogob

 

 

 

 

 

Qaybta biyaha(Waaxda shirkada Biyaha Bursaalax)

 

Qaybta biyuhu waa lafdhabarta mashruuca, waana qaybta ugu wax soosaarka badan mashruuca, waana qaybta ugu foojignaanta badan sababtoo ah waxaan biyaha siinaa bursaalax inteeda badan, suurto galna ma aha in daqiiqad dadweynuhu biyo la’aan noqdaan waana in la iska saaraa masuuliyada ugu weyn.

Waxaa ka shaqeeya qaybta biyaha shaqaale aad u tababaran oo kala ah

 

No Magaca Tirda
1 Matooristayaal (Motorest) 2
2 Waardiyayaal (watchmen) 2
3 Tuubiistayaal (tupest) 2
4 Lacag uruuriyayaal (Collectors) 2
5 Bakhaar haye (store keeper) 1

 

Dhanka kale sanadkaan 2013/2014 waxaa u qabsoomay qaybta biyaha qodobadaan soo socda:

                    Ceelkii Hore

v  Waxaan dayac tirnay ceelkii hore oo aan ka bedelnay tuubooyinka biyaha iyo bamka biyaha keena

v  Waxaa  dayactir lagu sameeyey matoorada biyaha

v  Waxaa  dayac tir lagu sameeyey panalska

v  Waxaa la dhisay han biyood 300 fuusto qaada oo bir ah(care)

v  Waxaa la dhisay sadex kiosk oo biyaha laga cabo

v  Waxaa la pipe dhigay 600m

v  Waxaan biyo geliney 171 guri

 

Ceelka cusub

ü  Waxaa la qoday ceel biyood labaad (borehole)

ü  Waxaa la dhisay qol matoorka la dhigo

ü  Waxaa la dhisay qol bakhaar ah

ü  Waxaa loo soo gaday bump biyood 22kw/24kw ah

ü  Waxaa loo gaday tuubooyin 3” ah ( 3 Inch GI pipes)

ü  Waxaa la dhisay han biyood

ü  Waxaa la soo gaday matoor 65kva ah (generator)

ü  Tababar shaqaalaha biyaha.

 

Waaxda maamulka maaliyada iyo shaqaalaha

 

Waaxda dhaqaaluhu waa qaybta mashiinka u ah mashruuca oo dhan waana qaybta laga qoondeeyo waxqabadyada mashruuca kana jawaabta dhammaan baahiyaha mashruuca waxaana hoos yimaada dhammaan waaxyaha mashruuca oo dhan.

Waxay leedahay qaybta dhaqaaluhu xisaab xir maalinle ah, bile iyo sanadle waxayna u qaybsantaa :

  1. Maamule
  2. Khasnaji
  3. Xisaabiye

Sadexdaas masuul ayaa ka wada shaqeeya qaabka maamulka,dhaqaalaha oo maamuluhu wuxuu go’aamiyaa hawsha la qabanayo waxa uuna ku samayaa qiimayn kadib ayuu u soo gudbiyaa xisaabiyaha si uu u diiwaan geliyo uguna gudbiyo khasnajiga iyadoo leh dukunmiitigii lagu bixin lahaa sidaas ayuu xisaabiyuhu ugu gudbiyaa khasnajiga,  kuna bixiyaa lacagta.

Daqaalaha mashruucu waxa uu ka kala yimaadaa meelo kala duwan, intiisa badan waxaa laga soo saaraa mashruuca dhexdiisa.

 

 

Meelaha mashruuca dakhligu ka soo galo:

  1. Jaaliyada dibada
  2. School fee
  3. College Fee
  4. Biyaha
  5. Foornada
  6. Meelo kale (sida raashino WFP)

 

Guulaha dhaqaalaha

  1. Hufnaan iyo la xisaabtan
  2. Waxqabadyada waaxyaha oo dhan oo laga jawaabey
  3. Mushaar kordhin shaqaalaha
  4. Ma jiraan wax deyn ah oo lagu leeyahay mashruuca.

 

Waaxda Arimaha Bulshada

 

1:waxaa aad loo hagaajiyay xiriirka u dhexeya mashruuxa iyo dadka reer Bursaalax

2:waxaa la xoojiyay xiriirka mashruuca iyo maamulka Puntland,hay’adaha dawliga ah iyo kuwa maxaliga ah

3:waxaa mashruucu qayb baaxad leh ka qaata xalinta khilaafadka si loo helo nabadgalyo mashruucu ku shaqayn karo.

 

 

Waaxda cafimaadka iyo daryeelka Bulshada

 

1:Waxaa si toos ah u shaqeeya pharmasigi yara ee colleg-ka,wuxuuna dawada kahelaa isbitaalka gobolka mudug iyo bisha cas

2:Waxaa labo suuli lagu daray isbitaalki dhisnaa (waxaa iska kaashaday care iyo mashruuca)

3:Waxaa la dhireeyay Isbitaalka (waxaa iska kaashaday ADESO iyo mashruuca)

 

Gunaanad iyo Gabogabo

 

Guud ahaan mashruucu wuxuu maraya meel aad u wanagsan,taas oo ay kamid tahay,in dhamaystir loo helay ceel labaad ee qodnaa taasoo meesha ka saaraysa ciriiriga biyaha,dhiirigalinaysana sidii loo samayn lahaa Beero wax soo saarleh.

Waxaa la dhisay sadex fasal oo qalabayntoodi leh,labo suuli iyo hool weyn oo ah nasashada gabdhaha lehn afar musqulood oo loo dhisay dugsiga sare,taasoo dugsiga sare ka badbaadinaysa ciiri dhanka fasalada ahaa tirada ardayda oo soo kordhaysa awgeed.

Waxaa lagu guulaystay oo la hirgashay Libarary-gii dugsiga hoose dhexe.

Waxaa hool weyn lagu daray oo bukaan jiifka ah iyo labo musqulood Isbitaalki.

Waxaa kale oo markii ugu horaysay taariikhda Grade A ay keeneen ardayda form four-ka,waxaana keenay wiil la dhaho Cabduwali sh.Cabdulqaadir Cali Halable,taasoo daah fur u noqotay dadaalki dhanka waxbarashada ahaa,korna u qaaday mooralka ardayda dhiganaysa dugsiga sare iyo guud ahaanba schoolka.

 

 

Wabilaahi Towfiiq

 

Maamulaha Mashruuca Bursaalax

Burhaan Maxamed Cali Xaashi

 

Puntlandes.com

 

 

About The Author

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *