Dhagayso: Farole oo ka hadlay kullamadii uu la qaatay RW Cumar & madaxweyne Gaas

29 Marso 2016 (Puntlandes) Madaxwaynihii hore Puntland, Cabdiraxmaan Farole ayaa isagoo waraysi siiyey Radio Garowe ka hadlay kulamo uu maalmihii lasoo dhaafay Garowe kula yeeshay Raysul Wasaaraha DFS Cumar Cabdirashiid iyo madaxwaynaha Puntland Cabdiweli Gaas kuwaasoo ku saabsanaa 4.5 oo la doonaya in Puntland lagu qanciyo inay qaadato kana qaybgasho doorashada 2016.

217-10

Dr Faroole ayaa sheegay kulanka uu Sharmarke la qaatay inaysan waxba iska badalin mowqifkiisii hore kaasoo ahaa inaysan Puntland qaadan karin nidaamka lagu saleeyay soo xulista xildhibaanada cusub ee 2016.

Dhagayso waraysiga laga qaaday Cabdiraxmaan Farole.


Puntlandes.com

About The Author