Sawiro: Xasan Sheekh oo dib u hawlgeliyey Axmed Diiriye & Oday Xaad “Gobolka Banaadir inta aan ka aheyn Beelaha Hawiye waa marti”

29 Marso 2016 (Puntlandes) Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh ayaa dib u hawlgeliyey Odayaasha kala ah Axmed Diiriye & Oday Xaad oo ku hadla magaca Beelaha Hawiye, iyagoo maanta Afka furta sidii CAADADA u ahayd iyagoo sheegay in Caasimaddii Hore ee Soomaaliya Muqdisho ay iyagu gooni u leeyihiin isla markaasn ay ahaanayso Caasimadda Soomaaliya.

Gudoomiye odayaasha Hawiye Maxamed Xasan Xaad ayaa yiri “Qabiilada kale in ay ku noolaadaan Muqdisho uma diidanin hase yeeshee reerka cidii marti u ah waxba lagama weydiiyo cuntada loo karinayo”

Afhayeenka Beelaha Hawiye Axmed Diiriye ayaa sheegay in Gobolka Banaadir inta aan ka aheyn Beelaha Hawiye ay marti ka yihiin wuxuuna yiri isagoo ka hadlaya arintaas “Inta aan Hawiye aheyn gobalkaan marti ayey ka tahay ee ha ogaadeen. Aaya ka talintiisa gobalka Banaadir Hawiye ayey u gaar tahay”

Xuseen Caraale Caddaan oo ka mid ahaa Baarlamaankii hore ayaa isna yiri “Qabiil waliba oo Soomaaliyeed wuu maamulaa gobolka uu degan yahay, Muqdisho waxaa degan Hawiye, maxaa u diiday in ay iyagu maamushaan, Dowladda Soomaaliya iyo cid kasta oo hor boodeysa olole Soomaali oo dhan aaya ka talinta Muqdisho wax looga weydiinayo waxa aan uga digeynaa in ay ka waantoobaan”

 

hawiye (1)hawiye (2)hawiye (3)hawiye (4)hawiye (5)hawiye (6)hawiye (7)

Puntlandes.com

About The Author