Safiirka dalka Turkey u Fadhiya Soomaaliya oo goor dhawayd soo gaaray Garowe

30 Marso 2016 (Puntlandes) Wafdi uu hoggaaminayo Safiirka dalka Turkey u Fadhiya Soomaaliya Olgan Baker ayaa goor dhawayd soo gaaray Caasimada Puntland ee Garowe.

780

Wafdiga ayaa waxaa loo gudbiyay Madaxtooyadda Puntland halkaasoo uu ka socdo Shir ay Saxaafadu ay dibadda ka joogto, wax war ah kama soo bixin ilaa iyo iminka waxa uu salka ku hayo socdalkooda wafdigan Turkiga ah.

Wafdiga Safiirka ee Garowe ayaa kusoo aadayaa xilli Puntland iyo DFS uu u socdo wada hadalka aan ilaa iyo iminka Mira dhalin oo ku saabsan sidii Puntland loogu Qancin lahaa inay ogolaato Habka Qabaliga ah ee FOOSHA xun ee 4.5..

Dhanak kale waxaa Xusib mudan in intii uu ku sugnaa Garowe Wafdiga DFS inay yimaadeen Garowe Wafdi ka socda IDAG iyo Shalay oo ay Garowe soo gaaray wafdi ka socda Qaramada Midoobey.

Warka ku saabsan Shirarka Garowe kala soco Warbaahinta Puntlandes

About The Author