Maqaal Xiiso badan: Muqdishooy madaxaa Banaan. W/Q Bishar Abdirizak Abdi.

Waxaa maalintii shalay saxaafadda la hadlay qaar ka mida odayaasha iyo waxgaradka Gobolka Banaadir oo sheegay inaysan Magaalada Muqdisho dadka ka dhaxayn ee ay beelo leeyihiin sidaas darteedna ay tahay in beelaha Muqdisho deggan ay u tashadaan mustaqbalka iyo maamul u samaynta Muqdisho.

Xaalka magaalada Muqdisho iyo maamul u samaynteeda muddo badan ayaa laga hadlay waxayna ahayd arrin muran ka taagnaa tan iyo intii ay dowladdii rasmiga ahayd ee Soomaaliya burburtay. Xaqiiqduse waxay tahay magaalada Muqdisho waxaa leh oo deggan qabiil. Haddii Garoowe iyo Hargaysa iyo Kismaayo iyo Baydhabo qabiilooyin leeyihiin maxaa muqdisho u diidaya in ay iyadana qabiilo yeelato?

218-1b3

Magaalada Muqdisho waxay ahayd caasimad ay umadda soomaaliyeed oodhan isugu timid iyo hoy ay shacabka soomaaliyeed guryo iyo ganacsiba ka samaysteen oo xataa ay uga maarmeen gobolladii kale ee waddanka, calashan muqdisho ayaa umaddii xuddun u noqotay oo uu qof walbaa ukumihiisii iyo alaabtiisiiba dhigtay. Kaddib maxaa dhacay?

Burburkii dowladdii Soomaaliya wuxuu sababay inay sidoo kale magaalo madaxdii burburto oo ay dadkii ka cararaan guryahoodii iyo ganacsidoodii dibna aan loogu soo noqon. Dadka badankiisii illaa iyo maanta wax war ah kama hayaan halka ay ku danbeeyeen wixii mood iyo maal ay ku lahaayeen muqdisho, dadka qaybtood markii ay Xamar dib ugu noqdeen oo ay ka war dooneen bal halka ay ku danbeeyeen hantidoodii waaba lagu dilay bal iska daa wax ay helaane. Arrinkaasi wuxuu sababay inay lunto kalsoonidii iyo iimaankii lagu qabay caasimadda. Haddii cirka malab kasoo da’o oo malaha waxyi cirka laga soo diro dad badan ayaa rumaysan inaan Muqdisho rug u noqon doonin hantidooda.

Haddaba dhaawacaas iyo wixii dhacay ayaa keenay inay lunto kalsoonidii lagu qabay magaalada Muqdisho, waana sababta keentay inay Somaliland gooni u baxdo oo ardaageeda meegaarato, Puntland banaan istaagto oo tiraahdo goboleysi wax halagu qaybsado, Koonfur galbeed iyo Jubbalandna dhinac kale istaagaan, calashan maxaa caasimad laga hadlaa xeryaaba inoo kala oodane?

Muqdisho caasimad soomaaliyeed ma ahan, qof walba oo sidaas aaminsanna maalin buu riyoonayaa. Ma jirto waxaan ka jeclaan lahaa Soomaaliya oo dib isugu timaadda iyo Muqdisho oo magaalo madax fiican noqota, laakiin nasiib darro taasi maanta ma muuqato. Reer Puntland iyo reer Somaliland iyo Reer Jubbaland iyo reer Koonfur land iyo reer kale land, reerayaashaas oo dhan muqdisho waa ka samreen, marka haddii uu qabiil qaadanayo, iyo haddii ay qaran ku magacaabnaanayso iyo haddii qaramada midoobay la siinayaba Muqdishooy madaxaa banaan.

Bishar Abdirizak Abdi

Seattle, WA. US

About The Author