Shaqaale Turki ah oo lagu laayey Muqdisho

30 Marso 2016 (Puntlandes) Magaalada Muqdisho ayaa goor dhow waxaa lagu weeraray Shaqaale Turki ah oo ka shaqaynayey Cisbitaal la yiraahdo Deeva oo Turkigu leeayahay, ugu yaraan shan ruux oo labo tahay Turki tahay, sadexna Soomaali ayaa lagu laayey weerarkaas.

218-1b3

Waxaa sidoo kale weerarka ku dhaawacmay afar qof oo kale oo ka mid ah shaqaalaha Turkiga ee magaalada Muqdisho.

Wararka Warbaahinta Puntlandes kazoo gaaraya Muqdisho ayaa sheegaya in koox hubeysan oo saarneyd gaari nooca mini-baska ah ee caasiga loo yaqaan ay weerareen gaarigii ay saaraayeen shaqaale ka tirsan Cusbitalka Turkiga ee Deeva.

Kooxdii weerarka geysatay ayaa ka baxsaday goobtii ay weerarka ka fuliyeen. Ciidamada ammaanka ayaa sheegay inay ku raad joogaan dableyda.

Puntlandes.com

About The Author