Dhagayso: Faahfaahin ku saabsan Shirkii RW Cumar la yeeshay Aqoonyahanka Puntland

30 Marso 2016 (Puntlandes) Raysul wasaaraha DFS Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke oo maamlmahan ku sugnaa Garowe si uu reer Puntland u ogolaysiiyo 4.5 oo ay diideen ayaa maanta la kulmay qaar ka mida Aqoonyahanka reer Puntland.

Cali Xaaji Cabdulle oo ka mid ahaa dadkii kulankaas ka qayb galay ayaa caawa Radio Garowe u sheegay inay ka wada hadleen arrimaha hanaanka doorashada Soomaaliya 2016 iyo nidaamka 4.5 oo ay Puntland diiday.
217-8l

Cabdulle waxa uu sheegay RW Cumar inuu u sheegay inaysan fiicnayd 4.5 balse ay wanaagsan tahay in la qaato si doorashada soo socta loogu galo maadama aysan wax badan ka harin doorashadaasi, waxa uu sheegay inay u cadeeyeen in Puntland ay ka midaysan yihiin diid-mada 4.5 ayna muhiim tahay in xal kale la raadiyo.

Dhagayso Waraysiga Cali Xaaji Cabdulle


Puntlandes.com

About The Author