Dhagayso-Sawiro: Faahfaahin Qaraxii Saaka ee Gaalkacyo & Howl galo Socda

218-2c
AUN Siciid Cali Yusuf (GaadaYare)

31 Marso 2016 (Puntlandes) Taliyaha ciidamada Birmadka ee Gobolka Mudug Cabdirishiid Xasan Xaashi (Gabi-Gabi) oo Shir jaraa’id ku qabtay Gaalkacyo ayaa waxaa uu sharaxaad ka bixiyey Khasaarihii ka dhasay Qaraxii saaka lagu dilay AUN  Siciid Cali Yusuf (GaadaYare) waxaana uu sheegey in dhimashada ay gaareyso 7 halka uu dhaawacuna yahay lix ruux.

Taliye Gabi Gabi ayaa sheegey inay hayaan madaxii iyo lugaha qofka is qarxiyay ayna baarayaan si loo helo aqoonsigiisa buuxa waxaana jira dad lasoo qab qabtay baaris ka dibna la ogaan doono dadka dambigaan wax ku hel iyo kuwa aan kulahayn.

Dhagayso Gebigebi


IMG-20160331-WA0010
218-2

218-2a

218-2b
Puntlandes.com

Sawiro

About The Author