Turkiga oo xaqiijiyay in gabadh Azerbaijan ah ay kamid aheyd dadkii shalay lagu diley Muqdisho

31 Marso 2016 (Puntlandes) Dowladda Turkiga ayaa xaqiijisay in haweeney u dhalatay dalka Azerbaijan in ay ka mid ahayd dadkii ku dhintay weerarkii lagu qaaday shaqaalaha Turkiga iyo Soomaalida ee Muqdisho.

218-2e

 Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Turkiga ayaa si rasmi ah u xaqiijiyay in muwaadin u dhashay dalka Azarbijaan uu ka mid ahaa dadkii ku dhintay weerarkii shaley kooxo dableey ah ay ku qaadeen shaqaale ajnabi iyo Soomaali ah kuwaas oo marayay degmada Hodan.

Waxaa lagu sheegay qofka dhintay magaceeda Kamaliyya Ismayilova oo ah haweeney  u dhalatay dalka Azerbaijan.

Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda Azerbaijan ayaa isna sheegay in Hikmat Hajiyev ay macallimad ka ahayd Iskuul ku yaalla Muqdisho.

Weerarkaas bahalnimada ah waxaa kale oo ku dhintay shan qof oo kale oo labo ay yihiin Turki halka lix kale oo u badan Turki ay ku dhaawacmeen.

Dowladda Turkiga ayaa si kulul u cambaareysay weerarkaas iyadoona sheegtay in safaaradeeda Soomaaliya ay wado baaritaan ku aadan siddii loo ogaan lahaa shaqaalaha la socday baska la weeraray ee Mini baska ahaa.

About The Author