Dhagayso: Keith Ellison oo u Waramay VOA

3 April 2016 (Puntlandes) Keith Ellison Xildhibaanka oo ah Mudane ka tirsan Congaresska Maraykanka lagana soo doorto Gobolka Minnesota ayaa VOA siiyey waraysi dhinacyo badan taabanaya oo uu kaga hadlayo hadallada adag ee ay musharrixiinta madaxweynennimada Maraykanka ee xisbiga Jamhuuriga ee ku jeeda bulshada islaamka ah.

218-5

Musharraxa hoggaaminaya Jamhuuriyiinta Donald Trump ayaa hore ugu baaqay in muslimiinta si ku meelgaadh ah looga mamnuuco Maraykanka isagoo hadalkaasina jeediyey bishii Diisambar kadib weerarkii ka dhacay magaalada San Bernardino ee gobolka Californiya oo ay ku dhinteen 14 qof, dilkaasina waxaa gaystay nin iyo xaaskiisa oo Muslim ah.

Dhanka kale musharraxa kale ee Jmahuuriga Ted Cruz ayaa kadib weerarkii ka dhacay magaalada Brusells ee Biljamka jeediyey soo jeediyey in si gaar ah kormeer loogu sameeyo xaafadaha ay degaan dadka Muslimiinta ah dalkan maraykanka.

Siyaasiyiinta kale iyo bulshada Muslimiinta ayaa haddaba hadalladaasi cambaareeyey.

Siyaasiyiin uu ka mid yahay xildhibaanka Keith Ellsion oo Muslim ah lagana soo doorto Gobolka Minnesota ayaa cambaareeyey. hadalladaas kasoo yeeray Musharixiintaas.

Dhagayso Xildhibaanka Keith Ellison oo ay VOA waraysi dheer la yeelatay


Puntlandes.com

About The Author