Daawo Sawirrada: Wabiga Shabeelle oo biyo keenay

3 April 2016 (Puntlandes) Wabiga Shabelle oo muddooyinkii u dambeeyey qalalnaa ayaa biyo keenay biyo keenay waxaana laga dareemay biyaha Wabiga Gobollada Shabeelaha Dhexe iyo Hiiraam

Gelinkii dambe ee shalay ayaa dadka ku dhaqan magaalada Jowhar waxa arkeen biyo ka soo dhacaya xiintoyda oo ah darbi laga dhex dhisay wabiga kaasoo toddobaadyadii la soo dhaafay qalalnaa.

Beeralay badan oo ku nool hareeraha wabiga Shabelle ayaa isu diyaarinayaa ka faa’ideeysiga biyaha wabiga Shabeele, waxeyna saaka u dareereen tacabka beerahooda.

Wabiga Shabelle ayaa xiliyada guga looga bartay inuu ku fataho deegaanno badan oo ka mid ah gobolka Sh/dhexe iyo Sh/hoose.

xiintoyda-32xiintoyda-31xiintoyda-29xiintoyda-26xiintoyda-24xiintoyda-22xiintoyda-21xiintoyda-20xiintoyda-19xiintoyda-18xiintoyda-17xiintoyda-14xiintoyda-12xiintoyda-11xiintoyda-10xiintoyda-7xiintoyda-5xiintoyda-3xiintoyda-1

About The Author