DEG DEG: Xasan Sheekh oo diiday Fulinta Heshiiska Garowe lagu saxiixi doono!!

3 April 2016 (Puntlandes)  War Qoraal ah oo kasoo baxay Madaxweynaha DFS, Xasan Sheekh ayaa lagu sheegay in madaxweynuhu soo dhoweynayaa oggolaanshaha ay dowladda Puntland ku oggolaatey 4.5 qaabka doorashooyinka 2016 iyo wixii ka dambeeya.

215-8b

DHANKA kale madaxweynaha DFS ayaa ka Cudurdaartay Fulinta HESHIISKA ay gaareen Puntland iyo Wafdiga DFS ee uu hogaaminayo Raysul Wasaaraha DFS Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke oo labadii Todobaad ee lasoo dhaafay u joogay Puntland ku qancinta inay Qaadato 4.5. Xasan Sheesh ayaa si Cad u DIIDAY Heshiiska aan la shaacin ee ay gaareen Puntland iyo DFS isagoo sheegay inay tahay in go’aan ay ka gaaraan madasha ay ku jiraan C/kariim , Shariif iyo rag kale…

Qoraalka kasoo baxay madaxweynaha DFS ayaa lagu yri sidatan “qabyo-qoraalka heshiiska laga wada hadlay waa dadaal dheeri ah, waxaana ku jira qodobbo aad muhiim u ah, oo ay habboon tahay in looga wada hadlo loogana heshiiyo madallada jira sida tan hoggaamiyayaasha qaran (NLF) ee dhawaan dhici doonta iyo hay’adaha dastuuriga”

Waa la filayey in Muqdisho laga diido haddii lagu Heshiiyo Garowe shirarka ka socda laakiin lama sugayn inuu DIIDMO kala hor dhici doono Hogaamiyaha Kooxda ka talisa Vila Somalia Xasan Sheekh Heshiiskaas.

Wararka la xiriira shirarka Garowe kala soco warbaahinta Puntlandes

About The Author