Hogaanka Gaas ee Puntland ”Dhado roob noqon wayday”

0

Waxaa bilowgii sanadkan 2014 Puntland ka dhacday doorasho aad iyo aad loo soo dhaweeyey  dalka gudihiisa iyo dibadiisa. Waxaa madaxwayne ku guulaystay Dr Cabdiwali Maxamed Cali Gaas. Reer Puntland waxay Gaas ka sugayeen in uu fuliyo ugu yaraan qaar ka mid ah balanqaadyadii faraha badnaa oo uu ugu yeeri jiray Puntland lama gaarsiin meeshii ay mudnayd. Madaxweynaha Puntland, Dr, C/weli Maxamed Cali Gaas Maxaa dhacay Puntland doorashii ka dib. In daldaloolo farabadan oo puntland qar ka tuur u ah ay soo baxaan.  Madaxwayne Gaas maba rabo in uu fariisto madaxtooyadii Puntland ee waxaa uga fiicnaaday daxliis dalka gudihiisa iyo dibadiisa ah waa yaab. Madaxwayne Gaas waa nin dhaqaaloyahan aan is waydiinee meeqaa ku baxday safarada uu ina leeyahay dalkaan booqanaa ee daxiiska ah. Yaa yaabe ciidamada faraha badan ee la socda maxaa ku baxa.?  Boorarka, sawira iyo funaanadaha bal daya!! Dowlada faderaalka ah ee uu madaxda ka yahay Madaxwayne Xasan Sh. Maxamud waxay caadaysatay la dirika iyo nacaybka Puntland.  Madaxwayne Gaas waxuu xukunka yimid iyadoo uu goanyahay xiriirka  dowlada Puntland iyo kan dowlada Xamar. Sababta uu Madaxwaynihii ka horeeyey u jarayna ay tahay damaca waalida ah oo ku salaysan nacayb iyo ku tagrifal awoodeed iyo mid wixii lagu helo mgaca Soomaaliyeed ah. Madaxwayne Gaas ma samayn in uu meel fagaara ah oo loo wada jeedo kula heshiiyo Xasan Sh, haba u tanaasulo dhamaan wixii la isku hayeye. E e waxuu door biday ”sida ay isaga la tahay” in uu dadka reer Puntland u sheego maaweelo aan run ku qotomin. Sida isagoo leh wali xiirku waa goan yahay , waxba nagama dhaxeeyo. Anaguna waxbaan ku waynaynaa iyana sidoo kale….. Runi mar uun bay soo baxdaaye waxaa hada usoo ifay dadka reer Puntland xiriirka aan sharciga waafaqsanayn ee ka dhexeeya Xukuumada Dr Gaas iyo mida Xasan.  Madaxwayne Gaas ayaa afkiisa ka sheegay in uu caasho Geele macaabay (waa xubin ka mid ah gudi ay ku magacayday DFS gudiga dib u eegista dastuurka). Sida aan ognahayna Caasho Geele waxaa magacaabay wasiirka datuurka DFS!Dhamaan siminaaradii xamar lagu qabtay waa ka qashay Gaas dowladiisu.  Akhristoow bal guji halkan Waa artikel laga soo xigtay madaxwayne Xasan Sh. Oo dhahaya waa sharcidaro heshiiska shidaalka ee ay Puntland gashay, waxaana leeyahaya waa wax kama jiraan, anaana u soo diraya shirkado aan heshiis kula galay. Waa yaabe  tana maxuu ka oran madaxwayne Gaas, soow in uu dhaho maaha waan la ogaa sidii caada u ahayd!! Gabo gabadii dalka iyo dadka Puntland waxay u baahan yihiin madax daacad ugu shaqaysa. Waxay u baahan yihiin madax la sixi karayo markay wadada ka leexdaan.  Waxay u baahan yihiin madax ku bixisa dakhliga soo gala wado sax ah kuna dadaasha kobcinta dhaqaalaha dalka iyo dakhliga dowlada. Xukuumada hada jirtaayi wadadii waa ka leexatay, dacadnimii iyo hawlkarnimii ay ku dhaaratayna kuma shaqaynayso. Hadaba maxaa la gudboon xukuumada Dr Gaas: 1-      In ay ogaadann in Puntland shacabwayne dhistay ayna u adeegayaan 2-      In ay garowsadaan dareenka shacabka ay u adeegaan 3-      In ay wax wayn ka badalaan sida ay hada u shaqaynayaan 4-      In ay la xisaabtamaan dowlada Xamar, saxaana dastuurkii la bedelay Hadaba shacbiga dawlad jacaylka ku caan baxay ee reer Puntlandna maxaa la gudboon: 1-      In ay feejignaan dheeriya muujiyaan 2-      In cod dheer loogu sheego madaxwayne Gaas in maaweelo dhamaatay 3-      Puntland waa naga wada dhaxaysaa ee waa in aanu liica ka ilaalino, hada waxaad moodaa in ay liicayso 4-      Shacabku waa in ay ogaadaan in xukuumada ay ku shaqayso rabitaankooda ee aysan ku shaqayn rabitaan shaqsiyadeed am amidka Xasan Sh. Maxamuud

Mahadsanidin Webbmester

Kala xiriir: Info@puntlandes.com

About The Author

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *