Akhriso: 7 Qodob ee Garowe kasoo baxay in ay dawlada Puntland & DFS

3 April 2016 (Puntlandes) DFS iyo Puntland ayaa hoolka Wasaaradda Caafimaadka Puntland ku kala saxiixday heshiis ka kooban 7 qodob oo ay damaanad qaaday Ururr Goboleedka IGAD, waxana goob joog ahaa Ergayga QM ee Somalia, Wasiirka arimaha dibadda Ethiopia, wakiila midowga Yurub, xoghayaha urur goboleedka IGAD iyo xubno kale.

158ab

Akhriso todobada qodob

1:In nidaamka doorasho ee 2016 la isla qaatey in uu noqdo 4.5.

2:In aan doorashada 2020 sinaba loogu geli karin 4.5

 3:In doorashada Madaxweynaha iyo Afhayeenka Baarlamaanka halka ay ka dhacayso ay go’aankeeda gaaraan Madasha Qaran ee 7 Hoggaamiye ka kooban

4:Xildhibaanada Puntland uga mid noqonaya Aqalka Hoose waxaa doorashadoodu ka dhacaysaa Garoowe.

5:Xildhibaanada Aqalka sare waxaa soo xulaya Puntland, waxaana soo bandhigaya Aqalka Hoose, kuwaas oo ah sidii horey loogu heshiiyey.

6:In la sameeyo Road Map cad ee lagu gaarayo 2020, in ay dalka ka dhacdo doorasho hal qof iyo hal cod ah.

7:Beesha caalamku waxay damaanad qaadeysaa xaqjiijinta in aan mar danbe dalka lagu celin nidaamka 4.5

About The Author